KACAAMINTA SOCDAALKA: Ingiriiska oo QAYAXAY sida qura ee hadda kaddib lagu soo geli karo ama lagu joogi karo dalkaasi!

0

(London) 21 Feb 2020 – Dowladda United Kingdom (UK) ayaa Midowga Yurub sharciyan ka baxday 31-kii Jannaayo 2020, balse waxaa jira ugu yaraan muddo sanad ah oo kala guur ah oo taxnaanaysa ugu yaraan ilaa 31-ka Jannaayo 2021.

War kasoo baxay Britain ayaa lagu sheegay in la dabiqi doono hannaan dhibco ku dhisan oo uu dalkaasi ku ugaarsanayo dadka xirfadda sare leh ee wax kusoo kordhin kara dhaqaalaha dalkaasi.

”Waxaannu dhamaynaynaa socodkii xorta ahaa waxaana dabaqaynaa Xeer Socdaal csub oo ku dhisan dhibco soo jiidanaya dadka xirfadda sare leh ee wax kusoo kordhin kara ama wax soo saar u leh dhaqaaleheenna iyo bulshadeenna.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Arrimaha Gudaha.

UK ayaa sheegtay in nidaamkani uu muhiimadda siin doono danaha dadka UK, isla markaana diiradda la saari doono waxa uu qofkani ka qaban karo UK, ee aan la qiimayn doonin oo qura halka uu qofku ka yimid, iyagoo taa ula jeeda baasaboorradii Yurub ee la iskaga soo geli jirey.

”Muddo dheer, ayuu isu socodka furan ee Midowga Yurub wuxuu naga jeediyey inaan qaabilno baahida dadka British-ka ah. Waxaan kaloo ku guul darraysannay inaanu ka faa’iidaysanno xirfadleeyda sare ee dunida ku firirsan ee doonaysa inay qaaraan ka gaystaan kobaca dhaqaaleheenna.” ayaa la daba dhigay.

UK ayaa sheegtay in waxaas oo dhan ay hadda kaddib iskafaallaha ku illaawi doonaan oo ay dhaqan gelinayaan hannaan hufan oo kacaaminaya qaabka loo yimaado UK, iyadoo la xakamaynayo qulqulka xuduudaha, balse sidoo kale adeeg wanaagsan loo sameeynayo dadka imanaya, sida ay sheegtay Dowladdu.

Hannaankan dhibcaha ku dhisan ayaa waxaa adeegsada dalal ay ka mid tahay Australia.

Hadalsame Media