DAAWO: Askarigii gabadha dharbaaxaynayey oo ka hadlay sida ay wax u dheceen (Xagal cusub)

0

(Hargaysa) 20 Feb 2020 – Isbatoore Mahad Cabdi Cismaan oo ka tirsan Booliiska Somaliland ayaa beri dhowayd laga rukhseeyay shaqadiisa kaddib markii la daawaday isaga oo jidka ku dhex garaacaya qof dumar ah.

Ninkan ayaa laftiisu haatan ka sheekeeyay sida ay wax u dheceen, isagoo ku andacoodey in qofka uu dharbaaxaynayey ay ahayd xaaskiisa oo inta ”carruurtii daadisay magaalada iska gashay,” sida uu yiri.

”Sidii ay muddo iiga maqnayd baan waxaan ku arkay meel maqaaxi ah, deetana waan soo noqday markii aan soo jeestey ayay dhagax diyaarsatay kaddibna gaarigii aan watey ayay miraayad ka jebisey.” ayuu yiri Mahad.

Ninkan ayaa ku dooday in sida uu yiri arrintan ”la xasaasiyadeeyay” balse aanu jirin nin xaaskiisa u ogol inay ilmaha inta xoorto ay suuqa xusho.

Arrinta weli taagan ayaa ah in aysan marna sax ahayn in qof dumar ah loo gacan qaado xitaa xaaskaaga, iyadoo aanay kusii jirin in ay taasi ka dhacdo bulshada dhexdeeda.

Halkan ka daawo…

Halkan ka daawo sheekadii hore.

Hadalsame Media