Xukuumadda Somalia oo dayactir ku bilowday Xarun cusub oo ay u guurayso + Sawirro

0

(Muqdisho) 19 Feb 2020 – Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia ee uu hoggaamiyo Xasan Cali Khayrre ayaa horay u sheegtay inay ka guurayso Madaxtooyada Qaranka ayaa tillaabadaas bilowday.

Tillaabadan ayaa waxaa 2 sano kahor ku dhawaaqay isla Xasan Cali Khayrre, waxaanay ugu dambayn haatan bilaabatay dhismaha xarunta cusub ee ay degeyso Xukuumadda Somalia.

Xarruntan ayaa noqonaysa Xaruntii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka ee Somalia, taasoo garabka ku haysa tuulada ciyaaraha Istaadiyo Muqdisho.

Lama oga inay Xukuumaddu halkaa si rigli ah u deganaanayso iyo in ay kasii guurayaan marka uu si kama dambayn ah u hagaago amaanka dalku.

Hadalsame Media