RASMI: ”Dookh kale ma jiro!” – Turkiga uu ku dhawaaqay inuu diyaariyey weerar uu ku qaadayo Ciidamada Suuriya kaddib markii…!

0

(Ankara) 19 Feb 2020 – MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu ciidamada taliska Suuriya ee hoos taga Bashar al-Assad uu ku qaadayo dagaal aan horay loo arag kaddib markii ay burbureen wada hadalladii u dhexeeyay Ruushka iyo Turkiga ee ku saabsanaa aayaha gobolka Idlib.

“Waxaannu diraynaa digniintii ugu dambaysey,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayey kulan gaar ah oo ay xubnaha Xisbiga AKP ku yeesheen Baarlamanka dalkaasi.

“Turkey waxay dhamaystirtay nooc kasta oo is diyaarin ah si ay howlgalkaan uga fuliso Idlib. Waxaana weerar qaadi karnaa xitaa saq dhexe.” ayuu yiri Erdogan.

“Aan sii qayexee, howlgalka Idlib waa mid uun waqti naga xigo.” ayuu raaciyey.

Turkey ayaa la sheegay inuu 3-dii todobaad ee tegey uu halkaa geeyay in ka badan 20,000 oo ciidan iyo gaadiidka ama agabka dagaalka ah kuwaasoo iskugu jira askar si gaar ah u tababaran, madaafiicda goobta sida howsarka, gawaarida gaashaaman, tawaangi iwm.

Dad goobta ku dhow ayaa xaqiijiyey in diyaar garowga Turkiga oo haatan ka soconaya 6 KM meel bannaanka ka ah Idlib uu yahay mid aan horay loo arag tan iyo bilowgii dagaalka sokeeye ee Suuriya 2011-kii.

Waana senaariyo cusub oo halistiisa wata kusoo biiray dagaalka Suuriya, maadaama ay dalal badan oo Turkiga ka masayrsani gadaal ka riixayaan Asad.

Turkiga ayaa qayb ahaan diiddan inay kusoo jabaan qaxootiga kasoo cararaya taliska Asad oo u badan Sunniyiin.

‘Haddii aynaan aaggan sii haysan, berri 3.5 milyan oo dad ah ayaa gacanta u gelaya taliska Asad’

– Ibrahim Kalin, afhayeenka Erdogan’

Hadalsame Media