Gobolka Banaadir oo qaaday tillaabo NAADIR ah oo aad loogu baahnaa!

0

(Muqdisho) 19 Feb 2020 – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay natiijo ka soo baxday baaritaan amaan (Security–Vetting) la mariyey dhamaanba shaqaalaha  Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Shaqadan oo uu qabtay Xafiiska Agaasinka Guud ee Amniga Caasimadda ayaa noqotay tii ugu horreeysey ee nooceeda ah ee ay ku dhaqaaqdo hay’ad hoos tagta DF Somalia.

Arrintan ayaa waxaa soo jeediyey Guddoonka Gobolka Md Cumar Filish oo tillaabadan qaaday si looga gaashaanto wixii dhacay 24-kii Luulyo ee sanadkii tegey, oo maalin cad isla hool shirarka ee Xarunta Xamar lagu dhex qarxiyey Guddoonkii Hore ee Gobolka Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ay sidoo kale la dhinteen xubno kale oo ay ku jireen Guddoonno Degmo, Allaha u naxariistee.

Guuddoonka Gobolka, Md Cumar Filish ayaa sheegay inuu aad ugu riyaaqsan yahay shaqadan uu qabtay  Xafiiska Agaasinka Guud ee Amniga Caasimadda Xamar.

Waxaa la sheegay in Guddoonku uu soo jeediyey in baaritaankan loo gudbiyo wejiga 2-aad, si loo xaqiijiyo waxa ay yihiin iyo xiriirrada ay leeyihiin shaqaalaha gobolka iyo kuwa dowladda hoose intaba.

Dad badan ayaa walaac ka muujiya in ay kooxda Shabaabku tasalul ama u dusid ku samaysay hay’aadka DF Somalia, taasoo u baahan in tillaabo laga qaado.

Hadalsame Media