MW Somaliland oo soo dhoweeyey tillaabo uu ku tilmaamay ‘mid naadir ah’ oo uu qaaday Farmaajo & mid uu diidey

0

(Hargaysa) 18 Feb 2020 – MWSomaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu ku qancay raalli galintii uu Madaxweynaha Somalia ka bixiyay dhibaatooyinkii uu nidaamkii caskariga ahaa ka geysatay Gobolada Woqooyi ee Somalia.

Somaliland ayaa kaddib dhicitaankii nidaamkaasi 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Somalia inteeda kale, yeelkeede, 29 sano ma jiro xitaa hal dal oo aqoonsaday.

Madaxweyne Muuse Biixi oo saakay khudbad sannad leh u jeedinayay labada Aqal ee Somaliland ayaa soo hadal qaaday arrimaha ku saabsna dib u bilowga wada hadallada DF Somalia iyo maamulka Somaliland iyo imaanshaha MW Farmaajo ee Hargaysa ee la hadal hayey.

“Tan iyo burburkii kadib, Farmaajo waa ninkii ugu horeeyay inta madaxweyne Soomaaliya soo martay yiraahda, waxaan raalli gallin ka bixinaynaa dhibkii ku dhacay Gobolada Woqooyi; Waan soo dhoweynayaa, waana aqbalay,” ayuu yiri MW Muuse Biixi oo arrintaa ku tilmaamay tillaabo horay loo qaaday, balse ka hor yimi inay iyaguna raalli gelin bixiyaan.

MD Muuse Biixi, ayaa se dhanka kale hoosta ka xarriiqay in aanu ogolaan doonin inuu Hargaysa tago Madaxweyne Farmaajo oo sheeganaya inuu isagu Madaxwayne u yahay Somaliland.

”Wuxuu ku dheeley markii uu yiri waxaan imanayaa Hargaysa, taasi ma waafaqsana curfiga dowliga ah ee caalamka. Taa miyaannu aqbalaynaa? Maya! Maya!” ayuu yiri Biixi oo sheegay inay arrintaa ka wada hadli doonaan.

Ilaa iminka se ma jirto meel uu si rasmi ah MW Farmaajo ku yiri waxaan tegayaa Hargaysa.

Hadalsame Media