Barcelona oo xaalad adag gashay (Guddoonkeeda oo ku kacay arrin lala yaabay!)

0

(Barcelona) 17 Feb 2020 – Madaxwaynaha Barcelona ee Josep Bartomeu ayaa ku khasbanaaday inuu beeniyo war sheegaya inuu kiraystey khubaro dhanka baraha bulshada ah oo magaca uga ciyaara qaar ka mid ah dadka muhimka ah ee kooxdaasi, kuwaas oo uu ka mid yahay Lionel Messi.

Warkan ayaa soo baxay kaddib markii Barcelona si aan toos ahayn loola xiriiriyey sheekooyin sirgaxan oo maalmihii yaraa ee tegey kasoo muuqanayey baraha bulshada, gaar ahaan maanta.

Barnaamijka ciyaareed ee Que t’hi jugues, oo ka baxa idaacadda ciyaareed ee ugu wayn Spain ee Cadena Ser, ayaa lagu sheegay in guddiga fulinta Barcelona ay ijaarteen hay’ad lafa gurta xogaha internet-ka oo lagu magacaabo I3Ventures taasoo loo xil saaray inay dhulka la gasho sumcadda laacibiinta qaar ay ku jiraan kuwo hore, isla markaana la wanaajiyo sumcadda Madaxwaynaha Barca.

Waloow ay Barca beenisey jiritaanka warkan, misna dadka la sheegayo inay durba maagtay I3Ventures waxaa ka mid ah Messi, Gerard Pique iyo Pep Guardiola.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments