Somaliland ma waxay ku go’day aaya ka tashi & afti dadwayne?

0

(Hadalsame) 16 Feb 2020 – Runta oo la sheegaa maaha ceeb cago leh. “1991 Somaliland inay gooni noqoto, masiirkeeda waxaa lahaa qayb kooban oo reer Burco ah kuwaasoo xaruntii shirku ka socday daaqada qoryo kala soo galay odayaashii shirka waday kuna qasbay inay gooni isku taag ku dhawaaqaan, weyna dhacday oo waataas maanta hirgashay” – Boobe Yuusuf Ducaale.

Haddaba taasi waa sababta Somaliland ilaa maanta Soomaaliya inteeda kale kaga maqan tahay. Hadda eeg waa go’aan boqol qof ka badnayn ayaa aayo ummaddeed iyo halganba loo weeciyey.

“Dhammaan haldooradii SNM ee geeriyooday ma jiro hal ka midda oo u geeriyooday Somaliland. Waxay ahaayeen kuwa Siyaad Barre rabay inay xukunka ka tuuraan hadafkooduna ahaa Soomaali inay ka dulqaadaan xukunka kali taliska. Somaliland waxayba ahayd 1991 wixii ka dambeeyey laakiin halganku waa mid ka horeeyey taariikhdaas, mana jiro mujaahid dagaalamayey ka dib 1991,” – Cali Gurey.

Waxaa maanta 4.5 Malyan oo qof oo reer Somaliland ahi u Afduuban yihiin 30% reer Hargeysa ah oo ka Af dheer, awoodana ka haysta inta kale.

FG: Haddii hadalkayga gef u aragtay xog badan ayaa kaa maqane soo raadi walaal intaadan faallada dhiiban.

Waxaa Qoray: Garaad Y. Xaaji Ismaaciil

Hadalsame Media