CORONAVIRUS: North Korea oo toogatey sarkaal sare kaddib markii uu dadwaynaha dhex galay isagoo karaantiilan!

0

(Pyongyang) 16 Feb 2020 – Sarkaal sare oo North Korean ah ayaa la toogtey kaddib markii uu ku qubaystay berked dadwayne xilli uu karaantiilnaa.

Ninkan oo ka shaqaynayey ganacsiga ayaa markiiba la toogtey si aanu dadka u qaadsiin cudurka coronavirus sida lagu qoray Dong-a Ilbo.

Sarkaalkan ayaa la karaantiilay kaddib markii uu Shiinaha ula safray MW Kim Jong-un oo sharci millateri u adeegsadey xakamaynta cudurkan, sida ay iluhi sheegayaan.

North Korea ayaan weli xaqiijin wax kiis ah oo cudurkan ah, balse waxay qaadeen tillaabooyin adag oo ay ku xakamaynayso inuu cudurkani uga soo gudbo xuduudda Shiinaha oo ay deris la tahay.

Ninkan la toogtey ayaan xitaa cudurka qabin, balse waxaa loo karaantiilay sharci loo dejiyay qof kasta oo Shiinaha booqda.

Hadalsame Media