RUI PINTO: Baro ninka Manchester City baxareeyay ee isna baxaroobey! + Sawirro

0

(Lisbon) 15 Feb 2020 – Burcad danabeedka Rui Pinto – oo ah ninka kashifay kooxda Manchester City oo ku xad gudubtey xeerka dhaqaale wanaagga Financial Fair Play – ayaa laftiisu xasbi ku jira isagoo maxkamad sugaya.

Pinto ayaa jabsaday farriin-danabeedyada kooxdaasi, isagoo ku sugan gurigiisa ku yaalla Portugal 2015-kii, wuxuuna xogtii xasaasiga ahayd deeto u dusiyey warbaahinta, taasoo keentay in baaris lagu sameeyo hannaanka maaliyadeed ee Man City oo shalay 2 sano laga mamnuucay tartamada Yurub oo dhan.

Ninkan ayaa waloow ay dad badan oo ciyaaraha u dhuul daloola ay ku amaaneen tillaabadan uu qaaday, waxaa misna xabsiga dhigay maamulka dalkiisa, iyadoo loo haysto ilaa 90 dembi oo kala duwan oo jabsi internet, kharbudaad iyo wax iska daba marin ah.

Pinto ayaa Khamiistii laga diidey rafcaan, wuxuuna xirnaa ilaa bishii Maarso ee sanadkii tegey, isagoo xukun ka sugayey Maxkamadda Rafcaanka ee Lisbon.

Kaddib markii ay UEFA ganaaxa u jartay kooxda City oo laba sano laga rajiimiyey Champions League iyo koobabka Yurub ee kale, ayaa waxaa Twitter ka bilowday trend cusub oo wata hashtag #freePinto habeenkii xalay.

Taageerayaasha Borussia Dortmund ayaa xitaa soo qaatay boor wayn oo ay ku dalbanayaan in la tuuro kiiska uu ku xiran yahay Pinto.

Hadalsame Media