RASMI: Cudurka coronavirus oo Afrika soo caga-dhigtay (Kiiskii ugu horreeyey & dalka laga helay)

0

(Qaahira) 15 Feb 2020Masar ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee cudurka dilaaga ah ee coronavirus ee asal ahaan kasoo baxay bartamaha Shiinaha dhamaadkii sanadkii tegey kaddibna ku faanay dalal laba dersin ah oo kale.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar, Khaled Mugahed, ayaa war rasmi ah ku sheegay in qofka bukaa uu yahay “shisheeye” aan muujinin astaamo daran oo cudurkan ah.

Saraakiisha caafimaadka ayaa kiiskan ku helay barnaamij dabagal ah oo ay hirgelisey dowladda Masar, kaasoo loo adeegsado dadka ka imanaya dalalka uu fayrusku gaarey.

Wasaaraddu waxay sheegtay in qofka buka lagu karaantiimay isbitaal gaar ah, balse ma caddaynin dalka uu u dhashay iyo barta uu kasoo galay Masar toona.

Tani waxay Masar ka dhigaysaa dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee si rasmi ah u xaqiijiya kiis ka mid ah cudurkan halista ah, iyo dalkii 2-aad ee Bariga Dhexe kaddib Imaaraadka Carabta oo laga helay bishii tagtay.

Hadalsame Media