”Muddo dheer baannu ku baaqayney in tillaabo laga qaado Man City & PSG!” – Dabuub digasho ah!

0

(Madrid) 15 Feb 2020 – Madaxwaynaha La Liga jaalle Javier Tebas ayaa ku digtey kooxda lacagta farraqda ee Manchester City iyo dhigankeeda Paris Saint-Germain kaddib markii naadiga Premier League garka loo geliyey ganaax culus oo looga cayriyey tartamada Yurub.

City ayaa baaritaan sanad socdey kaddib shalay calafkeeda ogaatey, iyadoo laba sano laga mamnuucay dhamaan tartamada ay qaban qaabiso UEFA, isla markaana bixinaysa 30milyan oo euro (£25m) kaddib markii lagu helay inay ‘si daran ugu tumatay’ xeerka dhaqaale wanaagga FFP min 2012 ilaa 2016-kii.

Tebas, oo ah nin aad u dhaliila naadiyada lacagaha xisaab la’aanta ah ku beleeyay suuqa kala iibsiga ee Yurub, ayaa u geeraaray ganaaxa City.

Wuxuu Twitter kusoo qoray madaxa Horyaalja La Liga sidan: ‘UEFA ugu dambayn waxay qaadaysaa tillaabo wax ku ool ah, iyadoo dhaqan gelinaysa xeerarka FFP isla markaana ciqaabta wax is dhaafinta maaliyadeed waa u asaasi aayaha kubadda.”

”Sano ayaannu ku baaqayney in tillaabo adag laga qaado Manchester City iyo Paris Saint-Germain. Waxaannu ugu dambayn haynaa tusaale wanaagsan waxaana quud darraynaynaa inaan aragno.” ayuu daba dhigay.

Horyaallada Premier League ayaa rafcaan u qaadan doona Maxkamadda Xeer Beegista Ciyaaraha ee CAS (Court of Arbitration for Sport), iyadoo filaysa in ay go’aankan warac geddiso.

Hadalsame Media