Manchester City oo loo dhaadhicin karo Heerka 4-aad ee ciyaaraha Ingiriiska (Arag xeerkan)

0

(Manchester) 15 Feb 2020Kooxda Manchester City ayaa wajahaysa suurtagalnimo weli caato ah oo loogu dhaadhicin karo heerka 2-aad ee horyaalka Ingiriiska (League Two), oo ka dhigan heerka 4-aad.

Warkan ayaa soo yeerey kaddib markii uu shalay soo baxay go’aan UEFA oo laba sano laga mamnuucay dhamaan tartamada ay qaban qaabiso UEFA, isla markaana bixinaysa 30milyan oo euro (£25m) kaddib markii lagu helay inay ‘si daran ugu tumatay’ xeerka dhaqaale wanaagga FFP min 2012 ilaa 2016-kii.

Naadiga Man City ayaa haatan sidoo kale wajahaya carada maamulka Premier League, maadaama naadiga lagu helay musuq iyo wax is dhaafdhaafin.

Sida ku qoran The Independent, waxaa aad lagaga fikirayaa in kooxda dhibco laga jaro, waloow ay ciqaab ka adagi soo raaci karto bilaha yar ee soo aaddan.

Tillaabadan ayaa weli lagu tilmaamayaa mid ay suurtagalnimadeedu aad u yar tahay, balse waxaa dhici doona wada hadallo dhex maraya dhinacyada ay khuseeyso, markaasoo la ogaan doono nooca ciqaabta maxalliga ah ee ay City wajihi karto, iyo in heerka 4-aad laga tuurayo iyo in kale.

Soo jeedintan ayaa ku dhisan, xeer cusub oo uu dhowaan hirgeliyey maamulka Football League, kaasoo dhigaya in heerka 4-aad (League Two) laga rido kooxdii lagu helo musuq iyo xeer jebin.

Hadalsame Media