RASMI: MW Farmaajo & RW Khayrre oo hal xisbi furanaya (Miyay wada sharraxan yihiin?)

0

(Muqdisho) 13 Feb 2020 – MW Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Universal TV ayaa ka dhawaajiyey arrin aad looga dhur sugayey oo aan wacaal laga haynin.

MW Farmaajo ayaa la hordhigay su’aal ahayd in uu markale isu soo taagayo xilka Madaxwaynaha dalka.

Wuxuuna ku jawaabey inay isaga iyo RW Xasan Cali Khayrre ku dhawaaqayaan xisbi ay ku midaysan yihiin.

Yeelkeede, ma faahfaahinin inay labaduba isa sharraxayaan iyo in uu midkood ordi doono kan kalena uu noqonayo hoggaanka xisbiga.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa warar hore oo sheegayey inay labada hoggaamiye kala socdaan ama ay xitaa is khilaafsan yihiin.

Hadalsame Media