Maraykanka oo sheegay in ay Somalia ku guulaystey tijaabo MUHIM ah, tillaabada xigta

0

(Muqdisho) 13 Feb 2020 – Dalka Somalia oo kasoo doogaya dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday, ayaa soo ceshanaya muggiisii dhanka dhoofinta oo uu aad hoos uga dhacay 30-kii sano ee tegey, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha oo ay amaan darridu halakaysay aadna u wiiqday.

Somalia ayaa beri dhowayd bilowday dhoofin moos oo qaab tijaabo ah loogu diray dalalka Qadar iyo Cumaan.

Waxaana kaddib markii tijaabadaa lagu guulaystey haatan mooska Somalia qaab tijaabo ah loogu dirayaa dalal kale oo dheeraad ah, kuwaasoo kala ah Sucuudiga iyo Turkiga.

Hay’adda Gargaarka Maraykanka ee USAID ayaa sheegtay inay Somalia arrintan ka siinayso taageero farsamo oo dhanka wax soo saarka, baakaynta iyo heeraynta ah, si loo dhoofiyo moos tayo leh oo qaabili kara heerka caalamiga ah ee qiyaasta wax dhoofinta.

Somalia oo ah dal hodon ku ah khayraad fara badan ayaa u xayiran siyaasado ku dhisan muran qalalan oo salka ku haya ”aan maalintaa uun dhergo!”

Hadalsame Media