CCW oo shuruud la yaab leh daba dhigay cudur-daarkii MW u sameeyay Somaliland

0

(Muqdisho) 13 Feb 2020 – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay cudur daar uu Somaliland uga sameeyay dhibkii ka gaarey taliskii ciidamada.

Warsame ayaa isagoo si shuruudaysan usoo dhowaynaya warka MW Farmaajo yiri:

“Waxaan soo dhoweynayaa cudurdaarka uu Madaxweyne Farmaajo ka bixiyey xasuuqii uu rajiimkii milateriga ahaa magaca qaranka Soomaaliyeed ugu geystay walaalaheen Somaliland.

Wuxuuse raaciyey: “Waxaan ka dhowrayaa in uu cudurdaar ka bixiyo Askartii ilaalada ka ahayd Xarunta Xisbiga Wadajir ee isaga amarkiisa lagu laayey, xabaal wadareedkana lagu aasay.”

Warsame ayaa daba socda warkii Madaxweyne Farmaajo oo yiri: “wixii Waqooyi ka dhacay ma ahayn Koofur oo waqooyi ku duushay,wax qabiil ku saleysanna ma ahayn,waxay ahayd System dowli ah oo markaas jiray,anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo aan gaarsiino walaalaheen adinkuna aad ila qaadataan ayaa loo baahan yahay”.

Hadalsame Media