AC MILAN VS JUVENTUS: Kulankan oo dhigay rikoodh abadi ah (Shaxaha & safafka)

0

(Milano) 13 Feb 2020 – Waxaa caawa garoonka San Siro caawa ka dhacaysa ciyaar la wada sugayo oo durba rikoodh jebis noqotay, taasoo dhexsanaysa AC Milan vs Juventus oo ku ballansan lugta hore ee nus-dhamaadka Coppa Italia.

Kulankan ayay caawa garoonka ku daawan doonaan in ka badan 70,000 oo taageere, taasoo ka dhigaysa jamaahiirtii ugu badnayd ee abid garoon ku daawata kulan ka tirsan nus-dhamaadka Coppa Italia.

Nus-dhamaadka kale, lugtiisa hore oo xalay ku qabsoontay isla Stadio Giuseppe Meazza oo ah magaca kale ee San Siro, isla markaana ay 0-1 kusoo badisay Napoli oo Inter garaacday waxaa daawanayey 59,601 oo taageere.

SAFAFKA & SHAXAHA LAGA YAABO

Dhanka Milan: Pioli ayaa isbeddello yar ku samayn kara 11-kii Axaddii ka hor tagtay kooxda Inter: Calabria ayaa nasin kara Conti dhanka dadabka midig. Halka daafaca dhexe ay boos isku haystaan Kjaer-Musacchio.

Khadka dhexe waxaa hubban Ismaaciil Bin Naasir iyo Kessie oo ay garbaha ka joogaan Castillejo. Rebic iyo Bonaventura ayaa boos isku haysta. Weerarku waa Leao iyo Ibra.

Dhanka Juve: Waxaa dhacaya isbedello yar, sida Buffon oo goolka difaacaya iyo Ramsey oo ka gadaal ciyaaraya Ronaldo iyo Dybala.

Khadka dhexe waa  Pjanic, Rabiot (ama Matuidi, oo u muuqda midka cadcad) iyo Bentancur. Waxaa adag in boos loo helo Rugani.

Hadalsame Media