Makhaayad ku taalla Kenya oo xalay lagu kala cararay kaddib markii uu soo galay nin ”Chinese ah” (Muxuu sameeyay?)

0

(Naivasha) 12 Feb 2020 – Dad ka cashaynayey hoteel ku yaalla magaalada Naivasha ee dalka Kenya ayaa lagu kala cararay kaddib markii uu soo galay nin indha yar ah, isla markaana uu cunto dalbaday.

Waxay ahayd Talaadadii xalay, waxaana dhacdadan bilowgii soo bandhigay hilinka maxalliga ah ee K24 TV, oo sheegay in lagu kala cararay makhaayad ku dhex taalla Kamere Estate oo ay aad u tagaan dadka ajnabiga ihi.

Dadka ayaa la sheegay inay baqeen kaddib markii uu makhaayadda soo galay nin ‘Chinese’ ah oo weliba u muuqdey ‘mid buka’, taasoo keentay inay dadku ka baqaan inuu sido coronavirus oo dalkaa fara ba’an ku haya.

“Ninku runtii wuu jiranaa (qiyaas), maadaama dadku ka baqayaancoronavirus-na, dadku waa ka kala ordeen hoteelka,” ayuu yiri nin goobjoog ahaa oo sheegay in markii loo yeerey howlwadeenno caafimaad ay goobta soo gaareen xilli uu ninku isna meesha iskaga tegey.

Dhanka Suswa, oo ka tirsan Narok County, waxay dadwaynuhu Wasaaradda Caafimaadka Kenya ku boorrinayaan in la baaro dadka Shiinayska ah ee u muuqda kuwo jirran ee halkaa ku nool.

Ma jirto xog caddaynaysa inuu ninkani Chinese ahaa.

Hadalsame Media