Hab-dhaqan dunida ku cusub oo loo aaneeyay sababta ay usoo noqnoqdaan cudurrada laga qaado XAYAWAANKA

0

(Hadalsame) 12 Feb 2020 – Dunida ayaa la legdamaysa fayruska coronavirus, kaasoo ay faafistiisu kasoo bilaabatay dalka Shiinaha balse iminka gaarey ilaa 16 dal oo kale,  oo uu ku jiro dalka UK.

Faafintaanka cudurro cusub waa caadiyan loo arkaa xaajo “mar soo bax ah”.

Balse fayruskan cusub – ayaa la rumaysan yahay inuu kasoo bilowday duur-joogta – waxayna taasi hoosta ka xarriiqaysaa halista loogu jiro cudurrada ka dhasha xayawaanka. Waxaa laga yaabaa inay arrintani dhibaato keento mustaqbalka maadaama ay cimilada is bedelaysa iyo carra-edegayntu ay bedeleen qaabka ay u fal-galaan dadka iyo xayawaanku.

Sidee xayawaanku dadka u jirrin karaan?

50-kii sanadood ee tegey, waxaa dhacay dhowr caabuq oo dhaqse ku faafa ayaa iyagoo xayawaanka kasoo bilowday dadwaynaha gaarey.

Xasaraddii cudurka dilaaga ah ee HIV/Aids ee1980-meeyadii wuxuu kasoo bilowday daanyeerrada waawayn, intii u dhaxaysey 2004-07-dii cudurkii hargabkii shimbiraha ee Avian Flu, iyo doofaarrada oo keenay hargabkii doofaarka ee sanaddii 2009-kii. Waxaa ka dambeeyay curudkii halista ahaa ee oof wareenka ahaa ee Sars oo laga qaaday Fiid-meerta, fiid meerta oo sidoo kale sii marsiinaysa bahal saan-gurta lagu sooco oo civets la yiraahdo, waxay sabab u noqdeen cudurka halista ah ee Ebola.

Cudurradaa oo dhan baa insaanka uga yimi dhanka xayawaanka, balse isbedelka bay’ada ayaa sii karaarinaysa geeddi socodka meertadan, halka safarrada caalamiga ah oo sii kordhayaa ay ka dhigan yihiin in marka uu cudur yimaado uu dhaqse u faafayo.

Sidee cudurku isugu mari karaa dhowr gacalo?

Inta badan xayawaanku waxay sidaan wakiil cudureedyo (pathogens) – waa jeermisyo iyo fayrusyo cudurro sababi kara.

Tadawurka ama isbeddelka uu sameeyo si uu u noolaado waxay ku xiran tahay inuu ku dhoco noole cusub – inuu u gudbo gacalo kalena waa hal qaab oo uu sidaa ku sameeyo.

Hannaanka difaaca ee noolaha uu dulinkan cusubi galay ayaa kaddib difaac gelaya si uu u dilo jeermiska ama fayruska cusub, taasoo ka dhigan inuu halkaa ka bilowdo tadawur abadi ah oo uu midba isku dayayo inuu kan kale ka adkaado.

Tusaale ahaan, qiyaastii 10% ka mid ah dadka ay cuduradani haleeleen ayaa dhintay intii uu socdey cudurkii SARS ee 2003-dii, marka la barbar dhigo wax ka yar 0.1% oo u dhintay cudurradii faafayey ee hargabyada.

Isbedellada bay’ada iyo cimilada ayaa bedelaya dabciga xayawaanka, sida ay u nool yihiin, halka ay ku nool yihiin, iyo wixii iyaga cuna.

Waxaa sidoo kale is bedeshey nolosha xayawaanka – 55% ka mid ah dadka dadwaynuhu waxay haatan ku nool yihiin magaalooyinka, iyagoo kasoo kacay 35% oo ay boqolleeydu ahayd 50 sanadood kahor.

Waxaa sidoo kale magaalooyinka soo galay oo ku nool xayawaanno cusub – jiirar, doolliyo, raccoon, dabagaalle, dawaco, shimbiro, bahal higlo (dawaca madoow), daanyeerro – waxay ku noolaan karaan jirdiinooyinka iyagoo quudanaya reereebka insaanka.

Mararka qaar, duurjoogtu waxay si wanaagsan ugu noolaan karaan magaalooyinka in ka badan duurka ama kaynta, maadaama ay quud badan magaalooyinka ka heli karaan, taasoo keenta inay magaalooyinku noqdaan goob ay cudurradu ka tafiirmaan.

Yaa halista teeda badan ku jira?

Cudurro cusub oo haleela dulin side aanu horay ugu dhici jirin, inta badan waa mid aad u halis ah, waana sababta soo bixitaanka cudurradan cusubi ay u walaac badan tahay.

Dadka qaar ayaa weliba qaadista cudurradan uga nugul qaar kale. Dadka faqriga ah ee magaalooyinka ku nool ayay badiyaa dhacdaa inay ka shaqeeyaan nadaafadda iyo faya dhowrka, taasoo kordhisa fursadaha ay ku qaadi karaan cudurradan cusub.

Waxaa sidoo kale dhacda inuu daafaca jirkoodu daciif yahay maadaama ay nafaqadu ku yar tahay isla markaana ay qaataan hawo liidata ama ku nool yihiin faya dhowr liita. Waxaa dheer in haddii ay jirradaan aysan goyn karin dawooyinka iyo daryeelka caafimaadka.

Caabuqyadan cusub ayaa sidoo kale magaalooyinka dadka badan ugu faafi kara si deg deg ah – waayo qofku wuxuu ku neefsanayaa hawo isku mid ah wuxuuna taabanayaa oogo isku nooc ah.

Dhaqamada qaar, dadku waxay cunto ahaan u quutaan xayawaanka duurjoogta ah ee magaalooyyinka jooga – iyagoo cuna xayawaannadaas oo lasoo qabtay ama hilibka iyaga oo laga keenay dhulalka ama kaymaha u dhow magaalooyinka.

Sidee ayay cudurradu u bedelaan hab-dhaqankeenna?

Ilaa maanta, ku dhowaad 8,000 oo kiis oo fayruska corona ah ayaa la xaqiijiyey, iyadoo la rumaysan yahay in 170 qofi ay u dhinteen cudurkan.

Jeer ay dalalku qaadayaan tillaabooyin ay cudurkan ku xakamaynayaan, waxaa suurtagal ah inay ka dhalato cawaaqib dhaqaale.

Waxaa haatan jira safarro la hakiyey misna iyadoo ay taasi jirto waxay dadku weli ka cabsi qabaan inuu usoo gudbo fayruskani, taasoo bedelaysa caadooyinkooda. Waxaa adkaanaya in xuduudaha la iskaga tillaabo, sidoo kale musaafuriinta xilli-leeyada ah ayay ku adkaanaysaa inay saanad helaan.

Taasi waa astaamaha lagu yaqaanno cudur faafa oo noocan ah. Sanaddii 2003-dii, cudurkii SARS ee faafayey wuxuu dunida ugu kacay $40bilyan (£30.5bn) muddo 6 bilood ah. Waxaa qayb ahaan ugu wacnaa lacago ku baxay dawaynta, balse sidoo kale waxaa dhaqaalaha dhaawacay howlihii ganacsi iyo isu socodkii oo hakaday.

Maxaan samayn karnaa?

Bulshada iyo dowladuhu waxay caabuq kasta oo cusub ula dhaqmayaan sidii xasarad gaar ah, halkii ay u qaadan lahaayeen inay tahay astaan cusub oo muujinaysa sida uu caalamku isu bedelayo.

Markasta oo aannu degaanka bedelno, waxaan kharribaynaa hannaanka dhulka (ecosystem), annagoo sidaa fursad ku siinayna inay cudurro cusubi soo baxaan.

Kaliya qiyaastii 10% ka mid ah wakiil-cudureedyada adduunka ayaa la diiwaan geliyey, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay kharashaad badan si loo bar garto inta hartay – iyo xayawaannada sida.

Tusaale ahaan, imisa jiir ayaa London jooga, waase noocee cudurrada ay sidaan?

Imisa qof oo magaalada deggan ayaa jecel duur-joogta magaalooyinka ku nool, sidoo kale waa inaannu garannaa nooca uu yahay halisaha ay xambaarsan yihiin.

Micne ayay samaynaysaa in la raad raaco nooca xayawaannada ku cusub magaalooyinka iyo haddii ay dadku xayawaankii cunayaan ama ay ka keenayaan meelaha magaalooyinka u dhow?

In la wanaajiyo faya-dhowrka, haraadiga qashinka iyo buufinta cayayaanku waa habab aannu ku joojin karno faafista cudurradan. Waxaa kasii muhiimsan, inaan wax ka bedelno sida aannu bay’ada u maarayno iyo sida ay dadkeennu ula fal-galaan.

Cuduradda faafaa mustaqbalkeenna ayay ka mid yihiin

Qirista cudurro badan oo cudub iyo faafistoodu waxay na taageeysaa mowqif adag oo aannu kula dagaalno cudurradan faafaya, kuwaasoo ay lagama fursadaan tahay inay ka mid noqdaan mustaqbalkeenna.

Qarni kahor, hargabkii Spanish-ku wuxuu ku dhacay nus bilyan dad ah, wuxuuna qudha ka jaray 50-100 milyan oo qof caalamka oo idil.

Horumarka cilmiga iyo maalgelin ballaaran oo lagu sameeyay caafimaadka dunida ayaa ka dhigan sida qura ee cudurradan lagula tacaali karo mustaqbalka.

Yeelkeede, halistu waa dhab waana mid musiibo noqon karta – haddii wax taa u dhigmaa ay markale dhacaan, waxay dib u qaabayn kartaa caalamka.

Bartamihii qarnigii tegey, qaar ka mid ah reer Galbeedka ayaa sheegay in cudurrada faafa la xakamayn karo.

Balse maadaama ay korayaan magaalaynta iyo sinnaan la’aantu, isla markaana ay cimilada is beddelaysaa sii waxyeellaynayso hannaan-dhuleedka, waa inaannu garowsannaa in cudurrada soo baxayaa ay yihiin halis soo koreeysa.

Prof Tim Benton waa maareeyaha daraasaadka ee kooxda Emerging Risks ee Chatham House, isagoo hoggaaminaya barnaamijyada Tamarta, Degaanka iyo Khayraadka. Waana urur madax bannaan waxaa se barnaamijkan u xil saaratay BBC News.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media