”Annagaa isku filan!” – Dal ka baxay heshiis GUMAYSI oo kale ahaa oo uu kula jirey Maraykanka (Arag tibxaha heshiiska)

0

(Manila) 12 Feb 2020 – Xiriirka laba dal oo dabiiciyan lagu tilmaamo inay xulufo yihiin ayaa gaarey meeshii ugu hooseeysey, kaddib markii ay Manila ka digtey inay fasaqayso heshiiskaa dulinka ah ee ay kula jirto Maraykanka oo had iyo goor ay ciidamadiisu rukhsad u haystaan inay kasoo degaan xeebaha iyo ciidda Philippines.

Manila ayaa digniin toos ah gaarsiisey Safaaradda Maraykanka ee dalkaasi, iyadoo u sheegtay inay baabi’inayso Heshiiska Ciidamada Booqashada ku imanaya ee Visiting Forces Agreement (VFA).

Afhayeenka MW Rodrigo Duterte, Salvador Panelo ayaa sheegay inay tillaabadan u qaadeen sidii ay u noqon lahaayeen dal aan ku hoos jirin hooska Washington balse u madax bannaan arrimohooda ciidamada.

”Waa xilliggii aannu nafteenna ku tiirsanaan lahayn, waxaannu xoojinaynaa daafaceenna, kuma tiirsanaan doonno dalka kale.” ayuu yiri.

Panelo ayaa saxaafadda u sheegay inay raadin doonaan heshiisyo biddaal u noqda VFA oo uu Maraykanku ku danaystay, haddii ay yihiin “kuwo na wada anfacaya, maya kuwo hal dhinac ka raran.”

MAXAA KA KHALDAN HESHIISKAN?

Heshiiskan VFA oo la kala saxiixday 1998-kii, ayaa rukhsaynaya in maraakiibta, dayuuradaha iyo askarta Maraykanku ay iman karaan ciidda Philippines.

Kaaga darane, ciidamada Maraykanka ayaa heshiiska dhex gashaday clause dhigaya inay leeyihiin xasaanad qadcan ah, taasoo ka dhigan in aanay Manila maxkamadayn karin, xitaa haddii ay dembi ku galaan ciidda Philippines.

Hadalsame Media