Ma tahay in la mideeyo waxbarashada dalka, maxaase looga gol leeyahay mideyntaas?

0

(Muqdisho) 11 Feb 2020 – Inta aan su’aashaa jawaabteeda aanan si ballaaran uga jawaabin, waxaa jira waxyaabo badan oo loo baahan yahay inaan marka hore isla fahanno taas oo ay ugu horreyso, ujeedka waxbarashada iyo sababta wadan kastaaba uu u yeesho waxbarasho gaar ah oo ay iyagu si gaar ah u abaabushaan una ilaashaashadaan oo weliba wadamada qaar ay qaabkii waxbarashadadooda iyo dhaqankooda ay rabaan inay caalamka oo dhan uga dhigaan dhaqan amaba habka loo fikiro. Marka ujeedka waxabarashada aan isla fahanno, hadana waxaa loo baahan yahay inaan isla fahanno taariikhda waxabarashada Soomaaliya iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo meesha ay maanta joogto. Waxaa kaloo aynnu u baahannahay inaan fahanno, dhibaatooyinka ka dhashay burburkii dalka ee ku aadan waxbarashada dalka iyo sida ay dowladihii kala danbeeyay ay isugu dayayeen inay arintaa wax ka qabtaan iyo maanta waxa nala haboon si aan u helno waxbarasho tayadeeda la isku haleyn karo oo dal iyo dibadba ardayda dhigata iyo dalkaba anfacta, dalkeenana u horseedda horumarka dhaqan dhaqaale ee laga rabo in waxbarasho wadan ay dalkeeda gaarsiiso.

Taariikhda waxbarashada dalka oo kooban

Sida ay qoreen cilmi baarayaal badan oo Soomaali iyo isugu jira ajnabi, Soomaaliya qaabka waxbarashada ee aan maanta naqaanno, waa qaabkii gumeysataha laga dhaxlay oo iyaga ka hor Soomaaliya ma laheyn waxabarshada iskuulaadka aan maanta naqaanno balse waxa ay Soomaaliya laheyd, amaba dhulka Soomaalidu degto lahaa, xarumo waaweyn oo cilmiga diiniga lagu barto iyo iyo dugsiyo quraan oo iyagu badanaa magaalooyinka, tuulooyinka iyo reer baadiyuhuba ay heli jireen, waana meesha ay ilmaha Soomaaliyeed ay diinta ka baran jireen kuwooda nasiibka u hela.

Markii uu gumeystaha dalka yimid waxaa ay dalka ka fureen iskuullo ay wax ku baraan dadkii ay rabeen inay iyagu noqdaan kuwii iyaga la shaqeyn lahaa oo iyaga iyo dadka Soomaaliyeed u dhexeyn lahaa. Waxaana iskuulaadkaas oo ku yaallay Waqooyi iyo Koofurba lagu dhigan jiray luqadihii labadii gumeyste ee dalka waagaa joogay. Markii ay Soomaaliya xurriyadda qaadatay oo ay heshay dowlad Soomaaliyeed, sagaalkii sano ee ugu horreeyay waxweyn iskama bedelin waxbarashadii dalka. Waxaa lagu tiirsanaa luqadihii gumaystaha iyagaana badanaa lagu dhigan jiray waxbarashada dalka marka laga reebo iskuullo dhowr ah oo ay dowladda Masar ka sameysay dalka guud ahaan oo iyagu ku bixi jiray Af-Carabiga.

Markii dowladdii kacaanka dalka qabsatay, ayaa waxaa isbedel la taaban karo uu ku dhacay waxbarashada dalka iyadoo si macno leh loo hormariyay waxbarashada dalka. La qoray afkii Soomaaliga, noqdayna luqadda dalka wax looga barto laguna maamulo. (Warsame, A. 2001). Dowladdaasi, marka laga yimaado qorista Af-Soomaaliga oo runtii dad badan oo Soomaaliyeed oo aan horay fursad waxbarsho u heli jirin siiyay fursad waxbarasho, dowladdaasi waxa ay ka dhistay dalka oo dhan iskuullo oo waxa ay kor u qaaday dhistayna maamulka waxbarashada dalka gaarsiisayna dhammaan dalka oo dhan.

Markii dalku galay dagaalkii sokeeye 1991, waxa ugu horreeyay ee burburay ayey waxbarshadu ka mid aheyd. Dhammaan dalka waxaa ka istaagay waxbarashada, dhowr sanana maba la helin wax waxbarasho ah oo qaabeysan. Markii ay dib u billaabatayna waxabarshaduna, abbaarihii 1993, waxaa dalka ka hirgalay waxbarasho gaar loo leeyahay iyo mid ay heyado gargaar ay hirgeliyeen oo iyaguna ay maamulaan heyado dalka ku yaalla, waxaanse nasiib loo helin in dib loo dhiso waxbarashadadii dowliga aheyd oo illaa iyo maantana aanan si la isku haleyn karo aanan weli dalka guud ahaan uga hanaqaadin.

Sida ay qoreen (Cassanelli, L., & Abdikadir, F. S. 2008) dallado badan ayaa dalka guud ahaan ka howl galay oo iayagu qaban jiray howshii ay dowladda dhexe qaban jirtay oo ay ku jirtay, sameynta manhaj, imtixaan iyo shahaado bixin. Waxa ayna ku guulaysteen dalladuhu inay la xiriiraan wadamo kale oo ay weliba ka suurta geliyaan in ardayda Soomaaliyeed ay ka helaan waxbarasho heer jaamacadeed. Wadamadaas waxaa ku jiray Suudaan, Pakistaan iyo wadamo kale oo badan. Waqtigaas waxaa dalka ka jiray dallado badan iyo shirkado iyagu waxbarashada bixiya, waxaase aad uga muuqan jiray dalladaha dalladda la yiraa FPENS oo iayagu masuul ka ahaa iskuullo badan oo ku mideysnaa dhalladaas kuna yaallay dalka oo dhan laga soo billaabo Gobollada Waqooyi illaa iyo magaalooyinka hoose ee Koofurta Soomaaliya. Waxa kale oo ay dalladdaani sameyn jirtay tababar macallimiin iyadoo kla kaashanaysa heyado kale.

Markii dalku ka baxay dowladihii ku meel gaarka ahaa oo ay ugu danbeysay dowladdii Madaxweyne Sh. Shariif, waxaa ay wasaaradda waxbarashadu billawday inay raadiso qaab ay dib ugu qabaneyso shaqooyinkii ay wasaaraddu u qaban jirtay dalka. Waxa ay wasaaraddu, 2013kii ay fursad u heshay inay shaqaalaysiiso khubaraa Soomaaliyeed oo iyagu waqti badan geliyay sidii loo heli lahaa waxbarsho mideysan oo leh manhaj mideysan. Waxa ay qaadatay sano badan, waxaase ugu danbeyntii sanadkii 2017, wasaaradda waxbarashada dalku ay u gudbisay baarlamaanka Soomaaliya sharcigii waxbarashada dalka oo isagu isku dayaya inuu xal u helo sidii ay wasaaraddu ugu shaqeyn laheyd qaabka federaalka, wallow aan anigu aaminsanahay inuusan sharcigu si cad u qeexeynin dhammaan shaqooyinka kala duwan ee ay tahay inay wasaaradda waxbarashada federaalka ah ay qabato iyo kuwa ay tahay inay qabtaan maamul goboleedyada iyo maamullada kale oo ay dowladdu magacawdo. Waxaana Isfahan waa badan dhaliyay, sida ay dowladdu rabto inay dib ugu hanato shaqo ay sanado badan ay dad shacab ah ay qaban jireen iyagoo dadkaas amaba shirkadahaasi ay isu arkaan inay dowladdu rabto inay ka xayuubiso wax ay iyagu leeyihiin.

U hogaansami la’aanta maamulka.

Laga soo billaabo markii la isku raacay in dalku noqdo dal federal ah oo uu baarlamaanku aqbalay in la qaato nidaamka federaalka, walow aanan loo codeyn oo aysan dadku u codeyn dastuurkaas welina uu buuq badan ka jiro oo aysan waxbadan oo xagga maamulka ah uuna si cad u qeexaynin dalkuna laheyn maxkamad dastuuriya oo macneysa dastuurka naftirkiisa welina lagu guda jiro sidii loo sixi lahaa dastuurka ku meel gaarka ah, waxaa dalka ka billowday muran maamul oo waxaa maalin walba laga doodaa maamulka sida gaarka u leh shaqooyinka qaar inuu yahay kan federaalka mase kan maamul goboleedka.

Hadaba, marka la fiiriyo xagga waxbarashada, waxaa dood badan dhalisay oo weliba maamulka Punland uu si weyn uga soo horjeestay in waxabarashada dalka ay noqoto mid ay wasaaradda wxbarashada ay maamushu oo waxaa la arkayaa marar badan iyagoo heshiisyo gaar ah la gelaaya dowladda federaalka oo kala heshiinaya sidii ay iyagu u maamuli lahaayeen waxbarashadooda. Heshiisyada ay dowladda federaalka la galeen waxaa ugu horreeyay midkii ay dowladda la galeen sanadkii 2014kii. Halkaan ka akhri. Qodobka 7aad ee heshiiskaas, waxaa ku qoran in Puntland ay yeelato, shahaado u gaar ah, dowladda federaalka ahna ay aqoonsato oo ay weliba caalamka u geyso shahaadadaas, khaastana dowladda Suudaan oo ay arday badan waqtigaas ay waxbarasho u aadi jireen. Waxaa kaloo dhacay labo heshiis oo ay dowladda federaalku la gashay Puntland oo labadooduba qaabkaas oo kale u qornaa oo kii ugu danbeeyay la galay 2017dii, waxa uu ku talinayaa in labo manhaj iyo labo imtixaan dalku yeesho oo manhajka ay dowladdu sameynayso uusan noqon mid isagu ka hirgala Punland, imtixaankuna uu sidaas oo kale ahaado mid ay Puntland u madax bannaan tahay sameyntiisa iyo qaadistiisa oo ay natiijooyinka ay u gidbin doonto wasaaradda waxabarashada federaalka. Heshiiska waxaa ka mid ahaa in Punland soo saarto shahaadada ardayda dugsiga sare, dowladda federaalkuna aqoonsato shahaadadaas. Taas oo ka dhigan, in Puntland ay yeelanayso nidaan iyaga u gaar ah oo wax kasta kaga madax bannaan wasaaradda federaalka dalka oo ay weliba wasaaradda Federaalku ay taageero ka geysaneyso qabsoomidda intaa lagu heshiiyay. Halkaan ka akhri heshiiskaas.

Ma aheyn maamulka Puntland kaliya waxa sida weyn uga horyimid nidaamka ay rabto in wasaaradda waxnbarashada dalka ay ka hirgeliso dalka oo dhan oo waxaa jira markii ay dowladdu billowday mideynta manhajka iyo qaaditaanka imtixaanka shahaadiga ah, in Dalladihii waxbarashada ka shaqeynayay inay billowgiiba diidaan qaasatan kuwoodii ugu waaweynaa iyagoona marmarsiiyo ka dhiganaayay inaysan ku kalsooneyn imtixaanka ay dowladdu qaadeyso. Maadaama ay dalladuhu masuul ka yihiin iskuullo iyo maamullo waxbarasho oo iyagu isu tegay, waxaa dhashay in muddo ah ka dib, in qaar ka mid ah dalladaha ay ogolaadeen ka qeyb galka imtixaanka guud ee dalka iyo isticmaalidda manjahka oo isagu badankiisa ka billowday magaalada Muqdisho oo ah magaalada ugu weyn marka la fiiriyo ardayda hal magaalo oo Soomaaliya ku taalla wax ka barata. Maantana dhammaan iskuulada ku yaalla dalka oo iayagu isticmaala manhajka dalka, marka laga reebo iskuuladda ku yaalla Waqooyiga (Somaliland) oo aan iyagu weli ka qeyb aheyn waxbarashada mideysan, dhammaantood waa ey ka qeyb galaan oo dowladda federaalka ayaa Manhajka iyo imtixaankaba gacanta ku heysa. Maxaase loogu baahan yahay waxbarsho mideysa?

Mideynta waxbarashadu ma wax Soomaaliya u gaar ah baa?

Si aan jawaab waafi ah ugu helo, jawaabta su’aashi cinwaanka qormadaan waxaan si gaar ah marka hore uga jwaabayaa su’aashaan oo ay rajeynaayo inay waxweyn ka tari doonto ka jawaabidda su’aasha cinwaanka. Maxaase marka horeba uu dal u rabaa inuu yeesho waxbarasho mideysan oo ujeed mideysan leh? In kasta oo aan qormo kale uga hadli doonno sida ay waxabarshada maanta aan naggaanno ay ku soo bilaabatay, hadana waxaan rabaa in sababta dal uu u sameeyo waxbarasho dal ay tahay oo kaliya in loo soo saaro dalka dad fahmi kara taariikhda, dhaqanka, iyo soo jireenkii dalkaas oo uu uga duwanaa wadamada kale ee caalamka una sii ahaan lahaa dal caalamka ka jira oo jiilalka soo socdaahi aysan lumin waxa uu dalkoodu yahay una sii hormarsiin lahaayeen dalkooda oo ay waxbarshada ay baranayaanna ay u noqon laheyd mid u fududeesa dalka ujeedka weyn ee uu dalku ka leeyahay waxbarashada. Hadaba si loo gaaro ujeedkaas qaaliga ku ah daowlad kasta, waxa ay dalalkooda u sameystaan qaab waxbarasho iyo maamul waxbarasho oo ay ugu talo galaan inay ujeedadaas ku gaaraan. Waxeyna mar kasta dib u fiiriyaan manhajyadooda iyagoo mar walka ku soo kordhiya waxa ay u arkaan in dalkoodu baahan yahay.

Marka aad fiiriso wadamada caalamka oo dhan waxa ay ka siman yihiin inay yeeshaan hal manhaj si dalku u ilaaliyo waxa ay dadkiisu ay baranayaan una helaan hal imtixaan oo arday kastaahi galo si loo ilaaliyo sinnaanta iyo tayada waxbarshada dalka. Tusaale ahaan, dalka Ingiriiska, walow uusan noqon karin tusaale dalkeenna u qalma oo ay aad nooga horumarsa yihiin, hadana waxaa ka jira hal manhaj oo ay imtixaanaadku ka yimaadaan walow iyagu leeyihiin qaab aad uga duwan midka ay Soomaaliya leedahay amaba u fiicnaan lahaa. Marka aan fiirinno Kenya oo iyaduna naga duwan, manhajkooduse dalkeenna si weyn ugu fiday dalkeenna sanadihii la soo dhaafay, ayaa iyaguna waxa ay lee yihiin imtixaan mideysan iyo manhaj. Iyadoo weliba ay Kenya tahay wadan u kala qeybsan qaab Deegaan (County) dalkuna u qeynsan yahay 47 deegaan, hadana waxa uu dalku leeyahay waxbarasho mideysan sida aad ka arki karto sharicga lagu dhisay guddiga qaranka ee Imtixaanka. Halkaan ka akhri. Itoobiya oo iyaduna ah wadan deriskeenna ah duruufo badanna aan ku kala duwan nahay iyaduna ah dal federaal ah, waxa uu leeyahay manhaj iyo imtixaan qaran oo dhammaan dalka oo dhan laga galo. Imtixaanadaas waxaa maamulo wakaaladda imtixaanaadka Itoobiya oo loo soo gaabiyo (NEAEA). Hadaba ma tahay in qaabka cusub ee ay Soomaaliya qaadatay ee federaalka ah inuu kala qeybiyo waxbarashada dalka dalkuna yeesho waxbarasho kala duwan?

Faa’iidada waxbarasha mideysan iyo qasaaraha waxbarashada kala qeybsan

Wadamada caalamka guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa Soomaaliya la midka ah dhammaantood waxa ay leeyihiin waxbarasho u qaabeysan qaab mid ah oo sida loo maamulaayo, manhajka, iyo imtixaanaadkuba dowladda dhexe ayey ka yimaadaan ama wakaalado ay dowladdu leedahay amaba ay maamusho. Faa’iidooyinka uu leeyahay in si mideysan waxbarashada loo maamulo waxaa ka mid ah: 1- In dalku yeesho fahan guud oo waxbarshada loo gudbiyo. Fahankaasoo kan jooga Zaylac illaa kan jooga Raas Kambooni, isku si ay u wada bartaan wax kasta oo ku jira manhajka dalka iyagoo marka ay waxbarashada dhameystaanna isku si loo wada imtixaani doono. 2- Waxaa dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadaba u fufudaanaaya fulinta imtixaanka iyagoo si isku mid ah uga sameynaya dhammaan dalka oo dhan. 3- Waxaa fududaanaya tababaridda macallimiinta iyo dhamaan shaqaalaha waxbarshada dalka oo dalka khaasatan macallimiinta, kormeerayaasha iyo dhammaan dadka ka howl gelaya waxbarshada dalka. 4- Ardayda ka soo qalin jebiya iskuulaadka ayaan iyagoon wax dhib ah kala kulmin kala duwanaansho la xiriira darajooyinka ay ka soo qaateen gobollada kala duwan, iyagu si toos uga wada faa’iidi doona shaqooyinka iyo waxbarashada heerka sare ee ay sii rabi doonaan oo ay ka kala heli doonaan dalka gudahiisa amaba dibaddiisa oo ay dowladda federaalka qaadi doonto masuuliyadda. 5- Waxaa sinnaan iyo caddaalad heli doona dhammaan ardayda oo iyagu dhammaantood heli doona waxbarsho isku mid ah iyo imtixaanaad ay si siman u wada geli doonaan sida uu caalamku yahay.

Qasaarada ay leedahay, waxbarshada iyo imtixaanaadka kala duwan oo aan heshiiska lagu aheyn ee wadanka gudahiisa ka dhaco, waxa ay abuuri doonaan: 1- Waxaa adkaan doonta in waxbarashada noocaas ah ay gaarto ujeedadii waxbarshada dalka loo rabay in lagu gaaro. 2-Kalsooni darro kala dhex gasha maamullada kala duwan ee dalka. 3- Maamul kasta oo isagu sameesto waxbarasho tayooyinkoodu aad u kala duwan yihiin. 4- Ugu dannbeyntii dhib badan oo lagala kulmo sidii tayooyinka waxbarshada noocaas ah loo mideeyo loona helo miisaan tayo oo lagu kalsoonaan karo.

Xalku muxuu yahay sideese lagu gaari karaa waxbarasho mideysan.

Sida uu sheegaayo qodobka 50aad ee dastuurka ku meel gaarka ah qeybtiisa 2aad, waxaa muhiim ah in awoodaha maamulka mar kasta loo daayo maamulka ku habboon, haddii uu yahay kan Federaalka ama kan gobolka. Haddaba haddii dalku u baahan yahay waxbarsho mideysan oo leh ujeedoojin oo uu dalku inuu gaaro la rabo, lanarabo in ardayda dalka oo dhan ay bartaan manhaj uu dalku leeyahay, loo soo abaabulay sida ay go’aamiyaan madaxda dalka maamusha iyagoo la tashanaya dhammaan aqoonyahannada aqoonta u leh waxbarshada dalka, waxaa haboon xalkuna yahay in loo dhiso dalka waxbarsho mideysan oo ay hormuud u tahay dowladda federaalka. Maamulladuna ay iyagu fuliyaan dhammaan siyaasadda horumarineed ee dalka, manjahka iyo wax kasta oo uu sharciga waxbarashada dalka uu awood u siinayo qabashadeeda.

Markaad fiiriso tusaalooyinka aan kor ku soo bandhigay ee ku aadan wadamada deriska ah iyo waxbarashada dalka Ingiriiska, intuba waxa ay na tusayaan inuusan jirin wax keenaya in waxbarasho dal ay u sii kala qeybsanaato heerar kala duwan oo manhajka iyo imtixaankuba ay noqdaan mid meelo kala duwan ka yimaada.

Soomaaliya maanta waxa ay leedahay baahi gaar ah oo runtii u baahan in si wax looga qabto baahidaa gaarka ah ee dalku leeyahay, ee ku aadan NABADDA, Cadaaladda iyo sinnaanta ay dadkeennu baahida badan u qabaan, dalku waxa uu u baahan yahay in si taxadar leh looga fikiro waxbarashadiisa oo aysan waxbarshadu noqonin mid dadka Soomaaliyeed sii kala qeybisa oo iyadu u kala qeybisa maamullo iyo wax ka sii daran oo iyagu sal u ahaa burburkii dalka ku dhacay. Ma awooddo Soomaaliya inay sanado badan ku sii dhumiso, kala qeybsanaan hor leh oo iyadu dhaxal siisa in dadkeennu kala irdoodaan oo ayba dalka Soomaaliyeed isku si u fahmi waayaan, waayo waxbarshada kala qeybsan ayaa gobol kasta dhaxal siin doonta inuusan fahmin waxa dadka iyo dalka Soomaaliyeed ka dhexeeya oo ay dhammaantood wada leeyihiin inay difaacanna laga wada rabo.

Ugu danbeyn, waxaan qabaa inaanan waxbarashada dalka ee maanta xaalkeedu marayo meesha aan ognahay aanan la sii muunad beelin oo aan loo sii kala qaadin wax aysan u kala qaadmeynin, oo laga shaqeeyo sidii magaalo kasta ee dalka ku taalla loo geyn lagaa nidaam waxbarasho oo isku wada mid ah taasoo ay mustaqbalka tahay inay dowladdu u dammaanad qaado arday kasta oo Soomaali ah waxbarsho tayadeedu ay aad u heersareyso. Haddaan u midownno oo aan ka gudubno waxyaabaha mugdiga geliya wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaan hubaa inaan dhisan karno waxbarsho mideysan oo la isku halleyn karo.

W/Q: Cabdixakin C. Casir
[email protected]

Hadalsame Media

 

Facebook Comments