DF Somalia oo ka digtey arrin ka dhex socota Garoonka Istaadiyo Muqdisho

0

(Muqdisho) 11 Feb 2020 – DF Somalia ayaa meel wanaagsan marinaysa dayactirka Garoonka Istaadiyo Muqdisho, kaasoo iminka la dhigayo cowska macmalka ah.

Yeelkeede, wuxuu Garoonku ku dhex yaallaa xaafad dhan oo la yiraahdo Tuulada Isboortiga ee Istaadiyo Muqdisho, waxaana dhulkaas oo aan marna horay loo dhisan marka laga soo tago burbur ku dhacay haatan la sheegayaa inay jiraan dad u hanqal taagaya.

Wasiiradda Ciyaaraha DF Somalia, Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa iyadoo arrintaa ka digaysa waxay tiri:

”Aniga ka wasiir ahaan, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, GOS iyo dhamaan ciyaaraha kala duwan ee hoos taga GOS iyo bahwaynta Isboortiga Soomaaliyeed, marna aqbali mayno in guryo laga dhex jeexdo Istaadiyo Muqdisho.”

”Waxaas waxaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay ka xishooday jabhadihii iyo Hoggaamiye Kooxeedyadii magaaladan soo maray. Hadda oo ay jirto Dowlad awood u leh ilaalinta amingana ma yeeli doonno insha ALLAH (Ka xishooda wixii uu hortaa jire ka xishooday).” ayay daba dhigtay.

Hadalsame Media