DAAWO: Aabbe Ilyaas miyuu cafinayaa wiilka harsan mise? Kelmado dhexmaray isaga iyo wiilasha la toogtey tiirka kahor & xog dheeraad ah

0

(Garoowe) 11 Feb 2020 – Waxaa saaka maamul goboleedka Puntland lagu toogtay laba kamid ah raggii kufsaday Caaisha Ilyaas oo maxkamadaha Puntland ay dil xukumeen.

Ragga la toogtay oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed ayaa sakaa aroortii la geeyay fagaare ku yaalla Magaalada Bosaaso ee Puntland, halkaas oo lagu qisaasay.

Waxaan weli la tooganin Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo la dhashay labada nin ee la diley midkood, waxaana arrintaa la iska waydiinayey su’aalo badan, iyadoo uu arrintaa ka falceliyey Aabbe Ilyaas oo dhalay Caa’isha Yar.

”Waxaa arrinta ninka 3-aad dib loo dhigay muddo 10 cisho ah si arrinkiisa loo hubiyo, waxaana jirey codsi ka yimid dhankayga iyo dhanka reerkiisa si loo hubiyo.” ayuu yiri Aabbe Ilyaas.

Maxaa caddaynaya in ragga la toogtey ay yihiin raggii saxda ahaa?

”Nimankii la toogtey waan wada hadalnay waana is cafiney, cafis bay iga dalbadeen, markii la toogteyna waan hubiyey oo dhuunta ayaan ka taabtay,” ayuu daba dhigay Aabbe Ilyaas oo u mahad celiyey guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee arrintan ka dhiidhisay.

Qorshaha maku jirtaa in wiilka harsan la cafiyo?

”Baaris baa lagu jiraa kaasi, baaristaasi haddii DNA kale la qaado waa arkaynaa, haddii uu wada hadal kale yimaadana waa arkaynaa,” ayuu ku jawaabey Aabbe Ilyaas oo muujiyey in uu u furan yahay waddo cafis.

Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobolka Nugaal ayaa raggan dil toogasho ah ku xukuntay 12-kii Maajo 2019-kii, waxaana xukunkaa rajaxdey ama ku raacday Maxkamadda Rafcaanka 30-kii Juun 2019-kii.

Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-jir, ayaa xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo waxaa lagu waayey 24-kii Febraayo 2019 kaddib markii ay hooyadeed adeeg u dirsatay, kaasoo aanay abid kasoo laaban.

Hadalsame Media