Ciidamada Turkiga & Suuriya oo dagaallamay + Sawirro (Askar ka dhimatay Turkiga)

0

(Idlib) 11 Feb 2020 – Waxaa dhacay weerar ka yimi dhanka ciidamada nidaamka Suuriya, kaasoo lagu diley 5 askari oo Turkish ah oo ku sugnaa xero ku taalla woqooyi galbeed Suuriya.

Weerarkan ayaa sii cakiraya xaaladda kaddib weerarkii hore ee sidan oo kale loogu soo qaaday ciidamada Turkiga todobaadkii hore.

Ciidamada Turkiga ayaa xaqiiijiyey in duqayntan oo aad u ba’nayd oo ka dhacday Tagtanaz oo ka tirsan gobolka Idib ay sidoo kale kaga dhaawacmeen 5 askari oo kale.

Turkey ayaa markiiba ka falceliyey weerarka isagoo sheegay inuu “dhulka la simay” in ka badan 100 bartilmaameed oo ay ku sugan yihiin ciidamada Suuriya.

“Wuxuu ahaa weerar ba’an oo ka dhacay Idlib, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidankeenna oo gudanaya xuquuqdooda caalamiga ah ee ka hor tagga gacan ka hadalka iyo xasaradaha aadminimo,” ayuu yiri Fahrettin Altun, oo warfaafinta ugu qaybsan MW Recep Tayyip Erdogan.

Wuxuu daba dhigay inay burburiyeen dhowr bar ciidan si ay ugu aar gudaan askarta laga diley.

Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa isna sheegay in Ankara “ay jawaab siisay fulayada, ciidankooduna uu qaadayo tillaabooyinka loo baahan yahay.”

Hadalsame Media