DHEGEYSO: Cabdi Janan oo sheegtay inuu joogo meel aysan dad badani ka filayn oo aan Mandheera ahayn (Waa halkee?)

0

(Mandheera) 10 Feb 2020 – Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa ku dooday inuusan ku sugneyn magaalada Mandheera.

Siyaasigan baxsadka ka ah DF Somalia ayaa sheegtay inuu ku sugan yahay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, mase sheegin halka uu ka joogo maadaama ay halkaa ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Somalia.

Janan ayaa ka falcelinayay war kasoo baxay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin metela Gobolka Mandheera oo Dowladda Kenya ugu baaqay inay hubka ka dhigto ama waddanka gebi ahaanba ka saarto Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa ku faanay in aanu haatan joogin Mandheera, balse uu tegi karo markii uu u baahdo, iskaba daaye uu xitaa u dhaafi karo dhanka Nairobi, isagoo sheegay inuu kaalmo ka helo Dowladda Kenya.

Janan ayaa sheegay inuu kasoo baxsaday xabsi ku yaalla degmada Huriwaa sida uu sheegay, halkaasoo ay ku haysey DF Somalia, waxaana haatan baacsanaya Booliiska Interpol iyo DF Somalia.

Wuxuu u warramay Xuseen Barre Aadan oo ka tirsan VOA.

Hadalsame Media