XOG CUSUB: Ardaydii shalay Boosaaso ka hadashay oo la xir-xirey

0

(Boosaaso) 09 Feb 2020 – Wararka ka imanaya magaala-maarsada Boosaaso ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay arday shalay fikirkeeda ka hadashay, oo kaliya sheegay inay taageersan yihiin dowladnimada Somalia midaysan.

Ardaydan oo dhigata Dugsiga Bosaso Public Secondry School ayaa la sheegay inuu xirxirey maamulka Puntland.

Arrintan oo haatan aad u haysata baraha bulshada ayay dadku walaac ka muujiyeen sababta ay ardaydaasi xarigga ku mutaysteen.

”Waxaan aad uga xumahay in ardaydii shalay ra’yigeeda dhiibatey saaka la xirey” ayuu midkood soo qoray.

Hadalsame Media