Damaca PUNTLAND iyo dayrada Nabad iyo Nolol (5 qodob oo laga calaameeyay dabuubtii Deni)

0

(Hadalsame) 09 Feb 2020 – Waxaan taxliil gaaban ku samaynaa khubaddii uu madaxweyne Deni ka jeediyay 7dii February, 2020 magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga bariga iyo bartamaha Soomaaliya. Deni wuxuu madax ka yahay Puntland (PL). PL waa maamul facwayn oo ah meel dib u dhiska dalka horumar wayn laga gaarsiin karo sida kalana dib u dhacwayn looga keeni karo. Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xiranyahay hadba sida PL u dhaqanto haddii PL dib u dhiska dalka hor seed iyo daacad ka noqoto waxban ayaa hagaagaya haddiise ay ka daba wareegto Soomaali halkeeda ayay ooli doontaa.

Madaxda xukuumadda Nabad iyo Nolol iyo maamulka Puntland waayahaan waxaa u dhexeeyay xurguf siyaasadeed, arrintaan waxay salka ku haysaa Nabad iyo Nolol oo sida badan ka biyadiida rabitaanka maamulka facawayn ee Puntland.

Puntland waxay leedahay galaangal siyaasiya oo aad u heer sareeya waxayna federaalka u la gorgortami jirtay si adag ayadoo gorgortankaas ku heli jirtay sed bursi farabadan, waxaa taas tusaale u ah in ay aqalka sare ku leedahay xubno sanatorro ka badan xubnaha Galmudug ama Jubaland ay ku leeyihiin aqalka sare, sidoo kale waxaad maalmahaan arkayseen Puntland oo ku doodaysa in federaalku heshiis kula galay 23kii August, 2009 in Puntland la siiyo deeqaha waxbarashada dibadda ee Soomaaliya hesho 25% sidoo kale mashaariicda horumarinta ee deeqaha caalamigaa ee laga sameeyo dalka markasta waxaa inta u badan ku baxdaa Puntland sida ku cad xisaab xirkii xukuumadda ee sanadkii 2018kii.

Sababta keentay in Puntand ay hesho mashaariicdaas qaybta u badan waxaa loo sameeyaa marmarsiyo ay ka mid tahay in Puntland ay awood (capacity) u leedahay in ay fuliso mashaariic waawayn oo aysan fulin karin maamulada kale doodaasina waa mid aan sax ahayn. Maamulada dalku waa ay fulinkaraan mashaariicda Puntland fuliso markii laga reebo maamulka Galmudug oo aan wali diyaarsanayn.

Madaxda Puntland waxay ku dawakhmeen sad bursi iyo gorgortan laga galti-baxay shacabkoodana waxay ku afjigaan Soomaaliya waxay wax ku leedahay diriqsi nooga danbeeya aan idiin soo dhicinno xaqiina.

Farsamooyinka ay Puntland adeegsato waxaa ka mid ah in PL federaalka u istaagto meelaha isgoysyadaa sida in ay xeerarka la sameeyo diido ayadoo dhahda nalaa ka lama tashan xeerkaas ka dibna federaalka la gasha gorgortan, sidoo kale isgoysyada ay u istaagto waxaa ka mid ah heshiisyada federaalku galo, sida badan waad ragteen heshiisyada federaalku galo PL way durtaa haddii arrintaas lagala xaajoon waayana way laadaa intii tabarteeda ah, intaas kaliya maahan PL federaalka waxay u istaagtaa isgoyskasta oo ay isleedahay alaylehe halkaan ayuu federaalku jilibka laabi doonaa.

Madaxweyne Deni wuxuu abaabul siyaasadeed ka wadaa Puntland wuxuuna galabta Boosaaso meel fagaare ah soo dhoobay wasiiradiisii si uu warbaahinta u la hadlo ayakoo gadaal taagan taasoo uu ka lahaa ujeedooyin gaar ah. Deni wuxuu jeediyay khubdad gabaara waclaynaysa oo aan lahayn jahatoosa oo ay abaarsantahay. M. Deni hadalkiisa waxaa ku jiray sida ii muuqatay deelqaaf iyo simbiriraxasho waxaana laga dheehan karay hadal jeedintiisa fariimaha uu Deni rabay kuwo aan ahayn.

Hadaan qodob qodob u dul istaago waxa iiga soo baxay hadal jeedintii Deni;

1- Hadlkii Deni waxaa iiga muuqday in madaxda Puntland ay ku sarkhaantay gorgartankii siyaasadda ee caadada u ahaa oo kala dhexeeyay dawladda federaalkaa kana go’antahay in ay waxkasta ugu goodiyaan dawladda federaalkaa markay ka biyadiido doonista Puntland. Shirka wadatashigaa ee uu sheegayo Deni wax kale maahan waa gargaraacasho iyo federaalku hanala hadlo wuxuuna ku raadinayaa fursad uu ku furo gorgortan siyaasadeed oo biyadhiciisu yahay sad bursi, haddii federaalku maqli waayo xitaa waa laga yaabaa in uu ku fiiriyo goodin uu ku goodinayo in ay go’ayso PL.

2- Deni waxaa ka fakaday hadal ahaa “M. Cabdulaahi Yuusuf ayaa Sacrifice u sameeyay Caydiid oo ugu tagay dalkiisa” hadalkaan waa hadal wayn oo aan la dheyelsankarin waxaanse u malaynayaa dadku sida badan ma dareensana sababta hadalkaan uga soo fakaday Deni. Waxbadan ayaad ka maqashaan madaxda Puntiland iyo siyaasiyiinta aan xilka hayn intaba eraga “dalka Puntland” waxaa kaloo ayaduna jirta oo badankeen uu san ka warhayn in dastuurka Puntiland uu qabo in Puntiland ay tahay dal iyo qaran waxayna ku cadeeyay anoo daliil dastuuriya keenaya maqaal aan qoray 29kii May 2019 oo aan ku daabacay blog-ayga https://calicabdalla.blogspot.com/2019/05/dastuurka-puntland-iyo-dawlada.html

Siyaasiyiinta Puntland waxay u hanqal taagaan oo ay ku qarwaan casiriyahana ay ku cabaan go’itaan aysan ku dhicin una bareeri karin sida bandanna marka ay hadlayaan ayay faruuryaha ka saarantahay waloow ay ka baqayaan shacbiga, waxaana la filayaa in shirkaan uu ku baaqay arrintaas lugu soo hadal qaado ayadoo loogu dhaga waramay lana tijaabinayo shacabka reer Puntland ee dhawrista sharafka iyo midnimada gayiga Soomaaiyeed quluubtooda degtay waxaanan filayaa haddii ay si kulul uga falcelin waayaan markii arrintaas la soo hadal qaado in la tijaabiyay luguna sii wadi doono.

3- Qodobka kale oo aan dul istaagay wuxuu ahaa hadalkiisii ahaa “Jaamacadaha Muqdisho waxaa laga sheegayay Shabaab dhigaya waxna ku darsanmayno waxa nuucaas ah” arrintaan waxay ii la muuqataa jeesjees waana arrin mudan in shacabka reer Puntland ee garashada badan ay ka daba yimaadaan oo ay raaligelin ka siiyaan shacabka Soomaaliyeed. M. Deni makarafoonada iskuma fiicna haddii uu yimaado miidiyaha jar ayuu ka dhacaa.

4- Waxaa hadalka Deni laga dhadhaminkaray in Deni soo qufayo abaalkii shacabka reer Puntland Alle hortiis iyo Soomaalinimo ay ku bixiyeen oo uu rabo in uu ku daro waxyaabaha uu rabo in uu ku gorgortamo taasina waa simbiriraxasho oo Soomaalidu dhaqan ahaan wax ay isisiisay xiliyada adag iskuguma manna sheegato, dhan ka kalana diinteena kuma banaana nasiib darro garashaa inta ka noqotay M. Deni wuxuuna soo qufay wixii Soomaali isu gashay asagoo u hadlaya sidii nin dhereg-dhacsanaya.

5- Qodob kale oo cajiibka ah ee hadaljeedintiisa laga dheehan karay wuxuu ahaa in Deni u ekaa nin gadaal ka baqanaya: sababtu waxay tahay shirka jaraa’id Garoowe kuma qaban arrintaasoo ah mid dadka ku beeraysa su’aalo farabadan, dhanka kale Deni warbaahinta wuxuu soo hor dhoobay wasiirro iyo dadbadan oo laga yaabo in aysan ku raacsanayn siyaasadaan nuucaan ah wuxuuna intaas ku daray xukuumadda ayaa sidaas qabta asagoo raba in uu ra’yulcaamka qaabeeyo.

Waxaa ayaduna xusid mudan in Deni isku deyeyo in uu shir iskugu keeno koox reer Puntland ah ka dibna uu yiraahdo reer Puntland ayaa isku yimid go’aan ayayna gaareen asagoo kaashanaya siyaasiyiintii wax ka soo diyaariyay dastuurkii aan horay uga soo sheekaynay ee mugidiga badan gelinayay midnimada, sharafka iyo karaamada dhulwyanaha Soomaaliya siyaasiyiintaasoo ka macaasha sasabaynta siyaasadda.

Hadalka galabtay Deni ka jeediyay Boosaaso waxaa ku raacidoona oo u riyaaqi doona kaliya siyaasiyiinta arrintaan ka macaasha iyo goloaha xukuumadda inta ku jira.

PL waxay door ka soo ciyaartay dib-u-dhiska Soomaaliya waxayna ka shakisantahay in la abaal dhacayo waxaana ka qaldan haddii la baal dhaco wixii saxda ahaa ee ay uga jawaabi leheed arinkaas, siyaasiyiinta PL waxay ka badin la’yihiin in ay cimri tagay ceeb ku sagootiyaan.

Waxaan xukuumadda Nabad iyo Nolol kula talin lahaa in ay nafteedu is hagaajiso waxaa lugu tuhmayaa tabar darro oo waxaa ka baxay siyaasiyiin rug cadaa ah markaas ka dibna ay la xaajooto maamulada ayadoo carabka u dabcisa maamulada gaar ahaan maamulka facawayn ee Puntland kalana xaajooto wixii lagala xaajoon karo sida ay ii la muuqato markaan waxaa jira waxbadan oo lagala xaajoon karo arrinku sidii hore maahan.

Ummadda Soomaaliyeed ee hadalkii M. Deni rajo xumada geliyana waxaan ugu laab qaboonjin ahaa, yaysan idin niyad jabin halada siyaasiyiinta muraadka leh ee laga yaabo in ay isku hayaan dantooda gaar ahaan hadalkii Deni ka jeediyay Boosaaso 7dii February 2020 waxaadna ogaataan Deni intaas kuma ekaan doono marka uu qabto shirka uu sheegay wuxuu bilaabi doonaa in uu abaabulo illaa Kismaayo. Waa caadi in lays qabto dalkaanina u burburimaayo labo qofoo is qabatay waligeed ayaa laysi soo hayay.

Ugu danbayntii bulshada rayidkaa iyo dadka wax qora waxaan ku baraarujin lahaa in ay hadlaan oo ay ka marqaati kacaan waxa dhacaya.

W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
Facebook/Twitter: @Fitah252
[email protected]

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media

Facebook Comments