DAAWO: ”Waxaan ahaan jirey jeeb-siib!” – Laacib caan ah oo aadan malayn karin nolosha uu kusoo koray!

0

(Amadora) 08 Feb 2020 – Laacibka caanka ah ee Luís Carlos Almeida da Cunha ComM, oo aad loogu yaqaanno magaca Nani, ayaa ka qiseeyay dhinaciisa hoose ee aanay dad badani wacaal ka haynin.

”Khaladaad baannu galnay oo yaraantii waxaannu xadi jirney khudaarta…. waxaannu wax ka xadi jirney dukaamada, balse kubadda ayaa i badbaadisey, haddii kale waxaan la ayni noqon lahaa saaxiibaday oo ay qaar weli halkii joogaan, qaarna xabsiyo ku jiraan.” ayuu gocday Nani.

Nani ayay waalidkii xooreen isagoo yar, wuxuuna ku noolaa xaafad isku raran ah oo godkii dembiyada ah, balse wuxuu ku cayntay kubadda oo uu aad u jeclaa oo u lacagoowdey.

Aabihii wuxuu ka tegey markii uu 5 jir ahaa, hooyadiina waxay xoortay markii uu 12 jir ahaa, waxaana isagoo dayacan nolol dhib badan kusoo korisey habaryartii oo deganayd Amadora, Portugal.

Wuxuu la noolaa raxan walaalihii ah oo ilaa 9 gaaraya, kuwaasoo afka iyo gacanta isla waysan. Mar mar bay hal jeer maalintii wax cuni jireen.

Nani ayaa kaddib jid dheer oo dhib badan iyo dadaal wuxuu ku biiray Man Utd oo uu la qaaday CL iyo 4 horyaal, wuxuu sidoo kale dalkiisa la qaaday EURO 2016, isagoo weliba kabtan ah.

Hadalsame Media