Bahal ay Shiinuhu cunaan oo la sheegay inuu yahay ”isha asalka ah” ee cudurka Cronovirus

0

(Beijing) 08 Feb 2020 – Faafifaanta cudurka coronavirus ayaa la sheegayaa inuu Shiinaha oo qura ku laayey dad gaaraya 600 oo qof, waloow aanu dalkaasi taa qiranin, waxaana la sheegayaa inuu kasoo bilowday bahalka loo yaqaan pangolin, sida ay qabaan cilmi baarayaashu.

Bahalkan oo lagu soo sooco caanalayda armadillo ee laga helo Ameerika, ayaa aad looga jecel yahay Eeshiya oo quud iyo dawaba ka dhigata, taasoo keentay in aad loo raadiyo, tiiyoo uu ugaarsigiisa mamnuucayo xeerka caalamiga ah, maadaama uu ka mid yahay gacalooyinka halista ugu jira dabar go’a.

Waloow horay loo calaameeyay Fiid-meerta, misna Jaamacadda South China Agricultural University ayaa sheegtay in qaabka uu u taxan yahay hidde-sidaha cudurrada uu keeno fayruska go’doonsan (fayrus aan horay loo arag) ee laga helo pangolin-ku uu 99% la mid yahay taxa laga helay dadka cudurkani ku dhacay.

Taas ayaa cilmi baarayaasha ku dhalisay inay bahalkan u arkaan inuu yahay dulin-sidaha koowaad ee cudurkan coronavirus, oo haatan ku faafay ilaa 25 dal, tan iyo markii uu kasoo if baxay magaalada Wuhan ee Shiinaha, bishii Diseembar.

War kasoo baxay jaamacadda oo lagu daabacay web-keeda ayaa u dhignaa: ‘Kashifkan cusubi wuxuu aad muhim ugu noqon doonaa ka hor tagga iyo xakamaynta asalka fayruskan’.

Dadka Shiinaha ayaa cuna hilibkan bahalka oo u qaab eg caana-qubta, iyagoo aaminsan in qolfaha ku dahaarani ay u roon yihiin haweenka ilmaha nuujinaya.

Yeelkeede, khubarada ayaa ka digey in aanay xogtani weli dhamaystirnayn oo in aad loo sii qodo loo baahan yahay, kahor inta go’aan rasmi ah la gaarayo.

Hadalsame Media