DAAWO: DF Somalia oo la sheegay inay dhallinyaro xul ah kasoo qorato Somaliland

0

(Hargaysa) 07 Feb 2020 – Guddoonka Xisbiga UCID ee ka jira maamulka Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa taabtay moowduuc ku saabsan farqiga aqooneed iyo kuwa fursadeed ee u dhexeeya DF Somalia iyo maamulkaasi.

Faysal oo ka hadlayey kulan uu la yeeshay arday uu isagu jaamacadaha ka bixin jirey oo tacliintii soo dhamaystay ayaa ku dooday in dhallinta wax ku barata Somaliland ay Xamar iska xaadiriyaan, maadaama ay halkaasi ka ”qabyaalad yar tahay” dhanka Somaliland taasoo keenaysa qulqulka dhallinyarada, sida uu sheegay.

”Waxay maanta Somalia inaga fiican tahay waa aqoon. Dunidii ayay fahmayaan, annaga marka aad hay’aadkeenna eegto qof qura oo meesha uu joogo aqoonteeda garanayaa ma jiro, waayo markii horeba aqoon laguma qorin.” ayuu yiri Faysal.

”Xitaa dhallinyarada deeqaha waxbarasho helay ee Masar iyo Malaysia Master-rada kasoo qaata ma qoranno. Xamar baa qorata, weliba meelo aannu u baahan nahay ayay buuxin lahaayeen.” ayuu raaciyay Faysal oo sheegay in xisbiyada ay usoo shaqa doontaan kuwo mushahar doon ah, balse aan aqoon lahayn.

Siyaasiyiin kale oo reer Somaliland ah sida Xoghayaha Xisbiga Waddani ayaa horay arrimahan oo kale dhowr ka dhawaajiyey.

Hadalsame Media