DAAWO: Nancy Pelosi oo xalay Trump dhulka ku jiiddey + Sawirro

0

(Hadalsame) 05 Feb 2020 – Donald Trump ayay xalay dhulka isla galeen hoggaamiyaha Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi kaddib markii uu diidey inuu salaanta ka qaado kaddibna ay iyaduna jeexjeexday warqadihii khudbadiisa qaran.

Pelosi ayaa caqli u degtey  Trump, iyadoo sugtey ilaa uu ka dhamaynayey khudbaddiisa, kaddibna markii kaamarooyinku qabteen iyada oo isaga ka dambaysa isla markaana uu dareenku ka jeestey isaga ayay si xallad leh u jeexjeexday.

Arrintan ayaa maanta haysata warbaahinta caalamka iyadoo xitaa kaba sii saamayn badnaatay Trump oo la sheegayo inuu ka badbaadey gole joojintii oo galabta loo codeeynayo, kaddib markii uu garab ka helay Aqalka Senet-ka oo ay Jamhuurigu ku xooggan yihiin oo diidey inuu raaco Aqalka Wakiillada oo ay Dimoqraadigu ka taliyaan oo gole joojinta riixayey.

Arrintan ayaa sii shidaysa coltankii u dhaxeeyay labada siyaasi ee Trump iyo Pelosi.

Hadalsame Media