Suudaan oo kulan qarsoodi ah la yeelatay Israel (Wasiirrada oo laga qariyey, qaylo ka daba yeeraysa & ujeedka loo qabtay)

0

(Kampala) 04 Feb 2020 – Waxaa dhacay kulan qarsoodi ah oo dhex maray hoggaamiyaha Suudaan Jen. Abdel Fattah al-Burhan iyo RW Yuhuudda Benjamin Netanyahu, kaasoo ay ka timid falcelin caalami ah iyo mid maxalli ah intaba.

Kulankan ayaa ahaa mid heerkan ah kii ugu horreeyay abid – maadaama aanay Suudaan wax xiriir ah oo toos ah marna la yeelanin Israel tan iyo xornimadeedii 1956-kii, marka laga soo tago dhowr kulan oo miiska hoostiisa ahaa.

Yeelkeede, waloow ay kulankan soo dhowaysey Wasaarad Dibadeedka Maraykanku, misna waxaa ka xumaaday dad badan, maadaama uu kusoo beegmay xilli aad looga caroodey waxa lagu sheegay ”heshiiskii qarniga” ee uu allifey wiilka uu soddogga u yahay Donald Trump ee lagu dulminayo Falastiin.

Dadka siyaasadda gobolka u dhuun daloola ayaa kulankan ku micneeyay mid Suudaan oo mar aan dheerayn uun iska rogtey heeryadii Cumar Xasan oo 30 sano ku amar ku taaglaynayey ay raadinayso fursado dhaqaale, balse aanu kulankani ka dhignayn inay wax badan iska bedeleen mawaaqifteedii siyaasadeed.

Golaha Madax Bannaan ee Siyaasadda Suudaan –  gole wasiirro oo rayid iyo ciidanba ka kooban oo shaqaynayey ilaa Sebtembar – ayaan ka warqabin oo ka dhacay gegada dayuuradaha Antebe, sida uu sheegay afhayeenka dowladda Faisal Mohamed Saleh.

Hadalsame Media