(Seattle) 02 Feb 2020 – Gura-dambayska asaasaha Microsoft ee Bill iyo Melinda Gates, oo la yiraahdo Jennifer, ayaa u doonan wiil Muslim ah oo Masri ah, kaasoo lagu magacabo, Nayel Nasser.
Nayel, 29 jir, iyo Jennifer, 23 jir, ayaa wax ka wada bartay Jaamacadda Stanford. Warbaahinta Maraykanka ayaa qoreeysa in labadooda oo wada socdey muddo 2 sanadood ah ay guur ku heshiiyeen todobaadkii tegey, iyagoo baraf ku ciyaaraya oo fasax ku maqan.
Labadan mucaashiq ayaa la sheegay inay wadaagaan hiwaayado badan oo ay ka mid yihiin noocyo ciyaareed sida farda-fuulka, iyadoo uu Nassar uu usoo baxay inuu dalkiisa ku metelo Olombikada 2020 Tokyo lagu qabanayo.
Ninkan oo kaalinta 35-aad uga jira caalamka, ayaa ku koray dalka Kuwait, halkaasoo ay weli ku nool yihiin xubnaha qoyskiisa. Nayel ayaa se ku nool Chicago.
Jennifer ayaa khabarka jamaahiirta kula wadaagtey barteeda Instagram oo leh 217,800 raace Khamiistii, iyadoo muujinaysa faraanti holcaya oo dheeman ka samaysan.
“Nayel Nassar, waxaad tahay nooc naadir ah,” ayay Jennifer soo qortay. “Waxaad iiga yaabisay meesha dunida ugu micne badan. Mana sugi karo inaan kula qaato inta noloshayda ka harsan.” ayay raacisay.
Hadalsame Media