”Shirka waxaa ka hadli kara nin xaasas badan qaba & ninkii gar leh!” – Ragga Kenya oo sanad kasta qabsada shir aan la sheegin goobta lagu qabto oo haweenka looga hadlo!

0

(Nairobi) 31 Jan 2020 – Mzee Kibor oo ah ninka qaban qaabiya kulanka sanadlaha ah ee ragga Kenya ayaa miiska soo saaray waxyaabaha looga baahan yahay dadka ka hadli doona kulankan oo qabsoomaya 14-ka Febraayo.

Odaygan oo ka hadlayey gurigiisa Eldoret, wuxuu Mzee Kibor wuxuu warbaahinta u sheegay in waxa kulankan looga hadlo ay weli yihiin sir aad loo ilaaliyo.

Nimanka shirkan ka hadli doona ayaa lagu xirey shuruud ah inay yihiin kuwo qaba wax ka badan hal xaas, kuwaasoo sida la yiri yaqaan ”sida haweenka loo maareeyo.”

“Ma doonayno inay noo khudbeeyaan kuwa hadda dhow guursadey. Raggu waxay doonayaan inay dhegeystaan sida haweenka loo xakameeyo. Sideen marka nin hal xaasle ihi talo uga dhiibanayaa sida haweenka loo maareeyo?” ayuu is waydiiyey Mzee Kibor.

Intaa kuma harine wuxuu soo jeediyay in ragga goobta ka hadlayaa ay yeeshaan ”haybad rageed”, isagoo sheegay in aanu madasha ka hadli doonin nin garmalayte ah.

“Ma ogolaan doonno niman aan gar lahayn iyo mid naag shabaha inay meesha ka hadlaan. Kuwaa waxaa lagu khaldayaa dhedigga. Arrintani waa howl rag oo khaalis ah.” ayuu daba dhigay Oday Kibor oo la hadlayey saxaafadda oo qosol la daadatay.

Kibor ayaase sheegay inuu shirku u furan yahay nin kasta doob iyo mid guur galayba, haddii ay doonayaan inay dhegeystaan khudbadaha iyo xikmadda Mzee Kibor.

Hadalsame Media