Sucuudiga oo joojinaya masaajiddii ay ka dhisi jireen dalalka dibedda (Kuwii ay horay u dhiseen oo ay qorshe yaab leh u keeneen)

0

(Riyaad) 26 Jan 2020 – Wasiirkii hore ee Cadaaladda Sucuudiga, Mohammed Bin Abdul-Karim Issa, ayaa sheegay in Sucuudigu uu joojin doono maalgelintii masaajidda dalalka kale ee dibedda ah, sida lagu qoray Arabi21.com.

Sida ku qoran warqaadka Swiss-ka ah ee Le Matin Dimanche, Saudi Arabia ayaa tusaale ahaan masjid kasta oo ay ka dhiseen ku wareejin doona gole la doortay oo isna hoos tegaya golaha degaanka ee dowladda hoose, si uu masjidku u galo “gacmo amaan ah”.

Wasiirka ayaa yiri: “Waxaa yimid waqtigii aannu Masjidka Geneva Mosque ku wareejin lahayn maamulka Swiss-ka, si loogu dhiibo gole ay iska dhex goorteen Muslimiinta goobtu. Imaamka xitaa waa in la doortaa.”

Wuxuu sheegay in Saudi Arabia ay tillaabadaa oo kale u adeegsan doonaan masjid kasta oo ay dhiseen oo caalamka ku yaalla, isagoo taa u sababeeyay “arrimo dhanka amaanka ah”.

Wasiirka ayaa hoggaaminayey wefdi ballaaran oo Khamiistii booqday xerada Auschwitz si ay uga qayb galaan maamuska 75 guuradii kasoo wareegtey xasuuqii Yuhuudda ee Holocaust intii uu socdey Dagaalkii 2-aad ee Yurub.

Hadalsame Media