”Somaliland meel cidlo ah ayay ka dudday!” – Jabuuti oo ka jawaabtey tillaabo ay qaadday Somaliland (Maxaa la isku qabtay?)

0

(Jabuuti) 26 Jan 2020 – Somaliland ayaa dib u celisey markab jiidayey xarkaha internet-ka badaha la mariyo ee Fiber Optics loo yaqaanno oo ka yimid dhanka Jabuuti.

Wasiirka Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Somaliland, Cabdiweli Sh. Cabdullaahi Suufi oo BBC u warramay ayaa sababta ay tillaabadaa u qaadeen ku micneeyay in aanu markabkaasi wax rukhsad ah ka haysanin Somaliland.

Waxaa jira warar sheegaya inay jireen ganacsato reer Somaliland ah oo qayb ka ahaa xirmada mashruucan balse uu maamulka Somaliland wax la hayo ganacsato gaar ah oo uu doonayo inay iyaga ganacsi hal gacan ah (monopoly) ku haystaan ganacsiga adeegga internet-ka. Wasiirka ayaa ka jawaabaya.

”Somaliland waxaa ka jira ganacsi xor ah oo ay cid kastaa keensan karto adeeggii iyo badeecaddii ay doonayso. Balse waxaa jira heshiis aannu 2009-kii la galnay shirkad maxalli ah, isaga ayaanna ixtiraamaynaa.” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi ayaa isna BBC u sheegay in aanu markabkaasi uba soconin Berbera iyo Somaliland toona.

”Xariggani wuxuu ku socdaa Boosaaso, kaddibna Muqdisho ayuu ka dhaadhici doonaa isagoo maraya qaybta aagga EEZ, waxaanu ugu dambayn gaari doontaa magaalada Mombasa.” ayuu yiri Wasiir Ridwaan oo sheegay inay Somaliland gebi ahaanba budka la duushay oo ay khalad fahamtey.

Hadalsame Media