RASMI: Israel oo muwaadiniinteeda u fasaxday inay booqdaan Sucuudiga (Qorshe Falastiin ka dhan ah oo Khaliijku ogolaadeen)

0

(Tel Aviv) 26 Jan 2020 – Wasiir Gudeedka Israel, Arye Dery ayaa maanta saxiixay wareegto Yuhuudda dalkaasi u ogolaanaysa inay u safri karaan Saudi Arabia markii ugu horreeysey taariikhda dalkaa macmalka ah, sida ku qoran Haaretz.

Wareegtadan ayaa ka dhigan in dadka Israeli-ga ah iminka loo saamixi doono inay booqdaan Sucuudiga, ay ganacsi ilaa 9 maalmood, ama ay Xajka iyo Cumrada iwm u tegi karaan dalkaasi.

Dadka sita jinsiyadda Israel ee iminka Sucuudiga booqda ayaa inta badan ah Falastiiniyiin ku hoos nool dalkaasi, kuwaasoo aan wax rukhsad ah ka qaadanin Dowladda Israel. Ma se jirin ogolaansho rasmi ah iyo Yuhuud caadi ah oo booqan jirtey Sucuudiga.

Yeelkeede, Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carbeed ayaa sanadkii tegey si cad u taageeray qorshe uu wado Donald Trump oo la yiraahdo “heshiiska qarniga” kaasoo ahaa shir dhaqaale oo ka dhacay Baxrayn.

Waxaa la fahamsan yahay inay arrintani qayb ka tahay qorshe ay horay u ogolaadeen dalal badan oo Carbeed oo ay ugu horreeyaan inta badan Khaliijku.

Sida ay sheegtay saxaafadda Israeli, waxay Israel qaadan doontaa dhamaanba dhulalka ay ka degaamaysatay Dooxada Jordan oo 15 ah kuwaasoo ku yaalla Daanta Galbeed ee Falastiin iyo dhamaanba dhulalka ku xiriirsan.

Heshiiska Trump ayaa waxaa ka mid ah in Quddus ay noqoto caasimadda Israel, iyo in la sameeyo dowlad aan ciidan millateri lahayn oo sacabooleey ah oo ay dusha sare ka maamusho Israel oo Falastiin loo yabyabo, taasoo mar dambe arrinteeda laga hadli doono.

Hadalsame Media