Maraykanka oo Kenya siiyay dayuurado casri ah oo ay kula dagaallanto Shabaab (War uu yiri Danjiraha Maraykanka oo tuhun dhalinaya)

0

(Nairobi) 26 Jan 2020 – Ciidamada Xoogga Kenya ee KDF ayaa 6 halikabtar oo ah nooca MD-530F ka helaya dalka Maraykanka, iyadoo loosoo mariyey barnaamijka wax ka iibinta dibedda ee agabka ciidamada ee FMS.

Barnaamijka FMS ayaa 23-kii bishan Jannaayo looga dhawaaqay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah qorshe xirmo ah oo ah in Kenya la siiyo qalab badan oo kabka dayuuradahan ah iyo in sanadkiiba mar si guud loogu dayactiro, si luu hubiyo cimri dheeridooda.

Danjiraha Maraykanka ee Kenya, Kyle McCarter, ayaa yiri: ‘Lixdan MD-530F waxay astaan u yihiin iskaashiga amaan ee tobannaanka sano soo taxnaa ee Kenya iyo Maraykanka, waana tusaale la taaban karo oo muujinaya sida ay nagaga go’an tahay la dagaallanka argagixisada.”

‘‘Maraykanku wuxuu halkan u joogaa inuu taageero dedaallada socda ee lagu casriyaynayo agabka KDF iyo in la xaqiijiyo hadafyada aannu wadaagno ee gobolka.” ayuu daba dhigay, iyadoo aan la fahmin waxa uu ka wado ujeedada ay wadaagaan iyadoo la ogyahay inuu yahay Danjire Kenya u janjeera dhanka muranka badda ee ay Kenya waddo.

Dayuuradahan ayaa ah kuwo ay ku rakiban yihiin gantaalo iyo qoryaha darandoorriga u dhaca ee korontada ku shaqeeya.

Maraykanka oo sidoo kale jooga Somalia oo uu ku hayo cunaqabatayn diiddan in la dhiso ciidamo Soomaaliyeed oo cudud leh, waloow ay siyaasiyiinta Soomaalidu leeyihiin eedda badankeed, ayaa wuxuu beri dhowayd sheegay inuu dhowr gaari oo qallaabi ah siinayo ciidamada Somalia.

Hadalsame Media