DEG DEG: Halyeeygii LA Lakers, Kobe Bryant oo shil dayuuradeed ku dhintay (Xaaskiisii & carruurtiisii oo….)

0

(Los Angeles, CA) 26 Jan 2020 – Laacibkii caanka ahaa ee kubadda kolayga ee Los Angeles Lakers, Kobe Bryant ayaa goor dhow ku dhintay shil dayuuradeed oo ka dhacay Calabasas, sida uu xaqiijiyay TMZ Sports.

Waxaa la xaqiijiyay inay shilka ku dhinteen 5 qofood oo saarnaa dayuurad nooca qumaatiga u kaca ah, gaar ahaan Sikorsky S-76, oo uu laacibku si gaar ah u lahaa.

Waxaa lagu warramayaa inay dayuuraddu mar qura hoobatay iyadoo uu dab qabsaday iyadoo dul haadaysa magaalada Calabasas, jeer ay ku dhex socotey cimilo cayryaamo ah, subaxnimadii hore ee Axaddii xilliga maxalliga ah, sida lagu qoray Los Angeles Times.

Xaaskiisa Vanessa Laine Bryant ayaa la xaqiijiyey inaysan dayuuradda saarnayn xilligii ay dhacaysey.

Kobe oo 41-jir ahaa ayaa caan ku ahaa inuu ku safro dayuuraddiisan, isagoo badiyaa kasoo qaadan jirey Newport Beach ilaa bartamaha Los Angeles, gaar ahaan Staples Center. Wuxuu markan kasoo duulay Orange County oo uu ku noolaa.

Waxaa sidoo kale shilka uu ku dhintay laacibkii hore ee Los Angeles Lakers ka badbaadey 3-diisa gabdhood ee Natalia, Capri iyo Bianka.

TMZ ayaa xaqiijiyey in gabadhiisa 2-aad ee ugu wayn ee Gianna “Gigi” Bryant, oo 13 jir ahayd ay shilka kula dhimatay. Kobe iyo gabadhiisa ayaa u socdey dugsiga Mamba Academy oo ku yaalla magaalada Thousand Oaks, oo ay tababar u tegayeen.

Bryant wuxuu ahaa gura dambayska ama sugta 3 carruur ah oo ay dhaleen aabbe Joe Bryant oo laftiisu ka dheeli jirey horyaalka NBA-da kubadda kolayga Maraykanka iyo hooyo Pamela Cox Bryant. Aabihii oo xiddig wayn ahaa wuxuu 70-kii ilaa 80-kii u safan jirey kooxaha Philadelphia 76ers, San Diego Clippers iyo Houston Rockets.

Wuxuu isagoo 6 sano jir ah qoyskiisa ula guurey dalka Talyaaniga isagoo deganaa degmada Rieti oo ka tirsan gobolka Lazio ee caasimadda Talyaaniga, wuxuuna sidii biyihii u shubi jirey afka Talyaaniga. Wuxuu sidoo kale taageeri jirey kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga.

2013-kii ayuu Twitter-kiisa kusoo qoray: ”Milan waa kooxda qalbiga, halka Barcelona ay tahay kooxdayda La Liga.”

Kobe ayaa waayihiisii xirfadlenimo oo idil oo 20 sanadood dhamaa u dheelayey kooxda LA Lakers, taasoo uu isagoo 17-jir ah kulan bilowgiisii u saftay fasalkii 1996-dii, isagoo noqday laacibkii ugu da’da yaraa ee abid safta kulan NBA ah, wuxuu LA Lakers la qaaday 5 koob oo ah NBA championships. Wuxuu ugu dambayn kabihiisa waray oo uu ciyaaraha ka fariistay 2016-kii isagoo u wareegey dhanka jilliinka iyo Hollywood.

Hadalsame Media