Ugu yaraan 3 carruur ah oo gaajo ugu dhimatay Muqdisho (DF oo baaq loo diray)

0

(Muqdisho) 25 Jan 2020 – Ugu yaraan 3 carruur ah oo u dhaxaysa da’da 4-6 jir ayaa baahi iyo cudurro ugu dhimatay xero ay barakacayaashu ka deggan yihiin degmada Kaxda ee Muqdisho.

“Ugu yaraan 3 carruur ah oo ka mid ah carruurta barakacayaasha ayaa baahi u dhintay, jeer ay QM ay $1 bilyan oo doollar ku yaboohsatay caawinta 3 milyan oo ku nool Somalia,” ayaa laga sheegay idaacadda maxalliga ah ee Shabeelle.

“Silac baannu ku nool nahay, maanta ugu yaraan 3 carruur ah ayaa u go’ay baahi, nafaqo darro iyo cudurro, cid dan naga lihina ma jirto,” ayay tiri hooyo Faadumo Xasan, oo ku nool xeryaha barakacayaasha oo u warrantay Anadolu Agency.

Waxay hooyadani DF Somalia iyo hay’aadka gargaarka ka dalbatay in gargaar lala soo gaaro dadka gaajoonaya.

Todobaadkii tegey, 13 kale ayaa ku dhintay xeryaha barakacayaasha ee duleedka Xamar.

Hadalsame Media