Dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay dalka Turkiga & xabsi maxaabiistii laga daad guraynayo!

0

(Ankara) 25 Jan 2020 – Ugu yaraan 22 qofood ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen 1,031 kale kaddib markii uu Turkiga ka dhacay dhul gariir xooggan oo uu cabbirkiisu yahay 6.8 oo ku dhuftay gobolka bari ee Elazığ fiidnimadii xalaytoole.

Sida ay bilowgii sheegtay hay’adda Turkiga ugu qaybsan Maaraynta Musiibooyinka ee AFAD, 17 qof ayaa dhintay, halka ay dhaawacmeen 654 kale, kuwaasoo ku sugnaa gobolka Elazığ, oo ah ubucda dhul-gariirka.

Sidoo kale 4 kale ayaa ku dhimatay 226 qofna waa ku dhaawacmeen dhul gariirka gobolka Malatya ee deriska la ah midka aannu soo sheegnay, iyadoo ay ugu daran tahay degmada Doğanyol.

Daraasiin kale ayaa ku dhaawacmay gobollada koonfureed iyo kuwa koonfur bari ee Adıyaman, Kahramanmaraş, Diyarbakır, Şanlıurfa iyo Batman.

Wasiir Gudeedka Turkiga, Süleyman Soylu, ayaa shir jaraa’id ka sheegay in ay 39 qof laga soo badbaadiyey burburka guryaha, iyadoo ay weli meelo kala duwan ka soconayaan dedaallada samata bixinta ah.

Soylu ayaa sheegay in xabsi wayn oo ku yaalla gobolka Adıyaman, oo dhul gariirka ku burburay maxaabiista laga daad gurayn doono.

Hadalsame Media