Waa tan sababta aysan DF ugu baahnayn inay samayso hilin 2-aad!!

0

(Muqdisho) 23 Jan 2020 – Wasaaradda Warfaafinta ee DF Somalia ayaa si rasmi ah u shaacisay inay hilin 2-aad kusoo darayso idaacadda la iska arko ee SNTV, kaasoo noqon doona SNTV 2.

Yeelkeede, dad badan oo u dhuun daloola saxaafadda ayaa arrintaa ku tilmaanay in iyada oo culayskii hore la qaadi la’yahay canaab hor leh lasoo kordhinayo.

”Ma jiraan barnaamijyo tayo leh oo TV-ga ka baxa 6 saac oo xiriir ah, si hadhoow iyaga loogu soo celiyo dhowr jeer, marka halkee hilin cusub barnaamijyo iyo warar tayo leh looga keenayaa?” ayuu is waydiiyay khabiir saxaafadeed oo Hadalsame ugu warramay shuruud ah inaan magaciisa la sheegin.

Tusaale kale, TV-yada Kenya oo tiro iyo tayaba aad u dhaama kuwa Soomaalidu waxay waqtiyo badan ku dilaan inay ku buuxiyaan aflaam iyo xigashada hillinnada caalamiga ah sida BBC, CNN, Al Jazeera iwm. Waxayna sidaa yeelaan inta badan marka la gaaro saqda dhexe ilaa aroostii, iyo aroortii ilaa duhurradii.

Waxay dad badani soo jeediyeen in cududda, kharashka iyo tamarta ku baxaysa samaynta hilin 2-aad oo aan loo baahnayn, loo duwo saaxi uga shaqaysiinta hilinka 1-aad oo aad uga hooseeya heerkii laga doonayey marka la eego fursadaha uu heli karo.

Tusaale waxaa ku filan, in tiiyoo ay warbaahinta DF tahay midda ay tahay in ay dadka kaga fillaato helitaanka xogaha DF, ay dhacdo in warbaahinno gaar loo leeyahay ay wax badan ka af dheeraadaan kuwa DF.

Waxaa sidoo kale warbaahinta DF aad ugu yar barnaamijyada ku dhisan dhismaha bulshada sida kuwa looga gol leeyahay baraarujinta, waxbarashada guud iyo hagidda.

Tifaftirka Hadalsame Media

 

Facebook Comments