”Hindiya kuma sii noolaan karo anigoo ”Muslim ah!” – Jilaa caan ah oo afka furtay + Sawirro

0

(Mumbai) 23 Jan 2020 – Jilaaga 69-jirka ah ee Bollywood ee Naseeruddin Shah oo ay Soomaalida qaar u yaqaannaan Jalwa, ayaa niyad jab iyo quus ka muujiyey xaaladda iminka dalkiisa ka taagan.

Jalwa oo asal ahaan kasoo jeeda Hoggaamiye Kooxeed reer Afghanstan ahaa oo noolaa qarnigii 19-aad oo la oran jirey Jan-Fishan Khan (Sayyid Muhammad Shah), ayaa sheegay in aanu iminka isagoo ”Muslim” ah sii joogi karaynin Hindiya oo ah dalka uu ku dhashay 69-sano kahor.

Jilaagan dhowrka abaal marin qaatay ayaa markii ugu horreeysey codkiisa ka dhiibtey sida uu u arko xeerka muranka dhaliyey ee ay DF Hindiya meel marisay bishii Diseembar, 2019.

Isaga oo waraysi gaar ah siinaya ‘The Wire’, wuxuu Naseeruddin Shah sheegay inuu 70 sano kaddib u baahday inuu caddeeyo ”Hindinimadiisa” maadaama uu Muslim yahay.

Wuxuu sheegay in ku dhalashadiisa Hindiya iyo ka shaqayntiisa halkaasi aanay maanta caddayn ugu fillayn Hindinimadiisa. Marka sidee yeelaa?

Wuxuu intaa daba dhigay in isaga iyo qoyskiisu aanay marna horay u qabin inay dhib noqonayso ku noolaanshiyaha Hindiya iyagoo Muslim ah, balse ay taasi iminka tahay waaqiciyad ay indhaha ku hayaan.

DF Hindiya ayaa soo saartay Xeerkan Dhalahsada bishii Diseembar 2019 kaasoo xuquuq dhalasho siinaya muwaadiniinta 6 diimood, Hindus, Sikhs, Christians, Buddhists, Jains iyo Persians kuwaasoo Hindiya yimid Diseembar 31, 2014, kana yimid Pakistan, Afghanistan iyo Bangladesh.

Yeelkeede, dadka isla xilligaas yimid, balse Muslimka ah ee 3-daa dalka ka yimid ama hadda kaddib ka iman doonaan xuquuq dhalasho ma mudna.

Hadalsame Media