YAAB! Cilmi baarayaal soo wada qaab cilmiga lagu shubayo maskaxda qofka!!

0

(California) 21 Jan 2020 – In aqoonta ama cilmiga toos loogu shubo maskaxda qofka sida lagu jilay filimka mala-awaalka ah ee Matrix, ayaa mar aan dheerayn si dhab ah u dhici karta, sida ay aaminsan yihiin culumada saynisku.

Qofka ayaa aqoonta maskaxdiisa loogu barnaamijaynayaa isagoo dareemaya sidii qof hurdey oo kale, kaddibna soo toosaya isagoo ”aqoonyahan ah”

Cilmi baarayaasha ayaa ku doodaya inay dhiseen qalab xogta si toos ah ugu shubaya maskaxda qofka, isla markaana qofka xirfad ku baraya muddo gaaban oo kooban, si ka duwan qaabka waqtiga dheer iminka qaata.

Waxaa la adeegsanayaa qalab software ah oo wax u barnaamijaynaya sida filimka Matrix ee uu wado jilaaga Keanu Reaves.

Sida ay sheegayaan cilmi baarayaasha daraasaddan wada oo ku sugan shaybaar casri ah oo ku yaalla HRL Laboratories, oo ka tirsan California, waxaa qofka si fudud looga dhigi karaa duuliye ama waxaa lagu shubi karaa xogta ciyaarta difaacu nafsiga ee KARATE-ga.

 

Hadalsame Media