DEG DEG: Siyaasi $3milyan oo doollar siinaya ninkii soo dila Donald Trump

0

(Keman) 21 Jan 2020 – Siyaasi Iiraani ah ayaa ku dhawaaqay inuu $3milyan ‘oo abaal marin ah’ siinayo cid kasta oo soo disha MW Maraykanka ee Donald Trump.

Ahmad Hamzeh, oo ah afhayeenka baarlamanka maxalliga ah ee gobolka dhexe ee Kerman, ayaa xildhibaannada ku yiri: ‘Waxaan abaalmarin u bixinaynaa 3 milyan oo doollar oo kaash ah oo aan siinayno qof kasta oo soo dila Trump.’

Kerman waa gobolka uu kasoo jeedo Jeneraalkii la khaarajiyey ee Qassem Soleimani, oo ah Taliyihii Ciidamada Qudus kaasoo lagu diley daroon uu soo amray Donald Trump, isla markaana uu taliska Iiraan wacad ku maray inuu u aargudayo.

Hadalsame Media