Ma ogtahay maalintii ay Iiraan xiriirka u jartay Kenya iyadoo u hiillinaysa Somalia?!

0

(Tehraan) 20 Jan 2020 – Horraantii 1978-kii, waxaa aad u xumaaday xiriirkii Kenya-Iiraan oo iskula dhacay Somalia darteed, iyadoo ay Kenya ka carootey inay Iiraan si xooggan u taageertay Somalia oo ay weliba ku hubaynaysey agab ay iyada siiyeen Maraykanka iyo Ingiriisku.

Kenya oo xilligaas taageeraysey Itoobiya oo Somalia dagaal furan kula jirtey, iyadoo sidaa u yeelaysa inay Somalia sidoo kale doonaysey gobolka Woqooyi Bari ee Kenya khasabka loogu daray ayaa ka xumaatay war kasoo yeerey dalka Iiraan.

Boqorkii Iiraan ee xilligaas, Mohammad Reza Pahlavi, ayaa si cad u sheegay in dalkiisu aanu gacmaha laaban doonin haddii lagu soo duulo Somalia. Warkaasi si wanaagsan ugama daadegin dalka Kenya.

Wasiir Dibadeedkii Kenya, Munyua Waiyaki, ayaa ku dooday in maadaama buu yiri aanay Iiraan ahayn dal Afrikaan ah aysan xaq u lahayn inay soo farageliso ummuuraha Afrika.

Si xaaladda loo dejiyo, Danjirihii Iiraan ee xilligaas u fadhiyey Kenya, Ahmad Tavakoli, ayaa Jannaayo 30, 1978-kii, wuxuu sheegay in siyaasad dibadeedka Iiraan ee Geeska Afrika khalad laga fahmey, isagoo sheegay inay “Somalia iyo Ethiopia u jeediyeen inay sahmiyaan fursado xal lagu gaaro”.

Kenya ayaa ka cabsanaysey in Ciidamada Somalia oo kusoo jabay dagaalkii Itoobiya, ay iyada kusoo jeestaan, iyadoo taageero ka heleeysa dalal ay Iiraan ka mid tahay.

Iiraan ayaa aad iskugu dayday inay Kenya ka dhaadhiciso inay kaliya ku egtahay gargaar aadminnimo oo ay Somalia siiso, balse markii ay Kenya is waashay wuxuu Wasiir Dibadeedkii Iiraan, Abbas Ali Khalatbari, ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Kenya, waxayna u yeerteen Danjirihii Nairobi ka joogey, Safaaraddiina waa la xirey.

Waxay Kenya xitaa mar qabatay dayuurad hub u siddey Somalia oo ka timid Masar, taasoo hubkeedii lagu xareeyay xerada Kahawa Barracks, iyadoo ay Kenya ku doodayso in hawadeeda lagu soo xadgudbey.

Masar ayaa iyaduna qabsatay laba dayuuradood oo ay leedahay Kenya Airways Boeing 707 kuwaasoo sidey 114 rakaab ah, oo uu ku jirey Wasiirkii Waxbarashada Mauritius, Heeralall Bhugaloo.

 

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media