Israel oo qiratay inay hubayso oo dawayso Al Qaacida, Daacish iyo qaar kale (Daawo)

0

(Tel Aviv) 15 Jan 2020 – Jeneraalka aadka u taageera Sahyuuniyadda ee Gadi Eisenkot oo sidoo kale horay u ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Xoogga Israel ee IDF ayaa qirtay inuu hub iyo saanadba siiyay kooxaha xag-jirka ah ee ka dagaallama Buuraha Golan Heights.

Kooxaha ay Israel sheegtay inay hubayso oo taageerto, qaarkoodna ay dalkeeda ku dawayso waxaa ugu horreeysa kooxda Jabhatu Nusra oo hoos tagta kooxda Al Qaacida.

Taliyaha ayaa warqaadka reer Britain ee Sunday Times oo uu waraysi siiyey u qirtay inay runtii hubeeyaan kooxo fara badan oo uu ku tilmaamay ”jabhado” balse xagjir ah, si ay ugu adeegsadaan dagaal wakaaladeed ay la galaan nidaamka kali taliyaha Suuriya ee Bashaar Al Asad iyo Iiraan.

admitted that the Israeli Army has supplied many sunni terror groups with weapons and money for years in Syria , he called them “Rebels”.

Waxaa kooxaha uu sheegayo ka mid ah xitaa kooxda Daacish ee la dagaallanta nidaamka Suuriya.

Qaybtan hoose waa ciidamada IDF ee Israel oo dawaynaya canaasiir ka tirsan jabhadda Nusra ee ka tirsan Al Qaacida.

Hadalsame Media