DAAWO: Australia oo 5 maalmood ku dishey 5,000 oo geel ah (Somalia maku jirtaa dalalka asal ahaan laga keenay?)

0

(Australia) 15 Jan 2020 – In ka badan 5,000 oo neef oo geel ah ayaa muddo 5 maalmood ah lagu laayey dalka Australia kaddib markii ay jiilaalka ku kululeeyeen dadka degaanka oo ay biyihii kula hardameen, sida ay sheegtay DF.

Niman qannaasyo ah oo dayuurado qumaati u kaca saaran ayaa mid mid u toogtey geela oo loo raacdeeyay dhul oomane ah oo ku yaalla Koonfurta Australia.

Hoggaamiyeyaasha dadka asalowga ah ee Aborigines-ka ayaa sheegay inuu geelu ku cariiriyey biyihii iyo baadkii, isla markaana ay halis ku noqday kaabayaashii awalba liitey, isagoo sidoo kale dhibay dadka jidadka ku safraya.

Australia ayaa la rumaysan yahay in ay leedahay geela dunida ugu badan ee aanay cidina lahayn, kaddib markii dalkaa la geeyay 1840-meeyadii, si loogu sahan tago loona rarto, waxaana geela intiiba badan laga keenay gobolka Rajasthan ee woqooyiga Hindiya, Afghanstan iyo Khaliijka Carabta.

Halkan hoose ka daawo sheeko ku saabsan geela Australia.

Hadalsame Media