DF Somalia oo heshiis muhim ah oo Somaliland saamaynaya la gashay Midowga Yurub

0

(Muqdisho) 14 Jan 2020 – Somalia ayaa heshiis la gashay Midowga Yurub si ay u xoojiso amaanka badda, iyadoo laga caawinayo dhismaha ciidamo ilaaliya biyaha maxalliga ah ee dalka.

Wasiir Dibadeedka Somalia, Axmed Cawad ayaa heshiiskan qalinka kula aasay Danjiraha Midowga Yurub ee Somalia, Nicolás Martinez.

Sida ku cad heshiiska oo ay ka hadashay Wasaarad Dibadeedka Somalia, waxaa dhacaya iskaashi u dhexeeya Somalia iyo Midowga Yurub kaasoo ku aaddan qorshayaasha amaan iyo kuwa xasilineed iyo kobcinta niyadda ciidamada ilaalinaya xeebaha Somalia.

Heshiiskan ayaa waxaa dhaqan gelinaysa EUCAP Somalia oo sharciyad u haysata mug dhisidda awoodda ciidamo ilaalinaya xeebaha Somalia, oo ay ku jirto Somaliland, sida heshiiska ku xusan.

EUCAP Nestor ayaa la sameeyay 2012-kii, iyadoo ka dhalatay falcelin caalami ah oo ku jihaysneyd burcad badeed ka dillaacday xeebaha Somalia, waxaana heshiiskooda dib loo eegay 2016-kii, iyadoo loo xil saaray Somalia oo qura, halkii ay awal gaaf wareegayeen Geeska Afrika oo dhan iyo Galbeedka Badwaynta Hindiya.

EUCAP ayaa haatan Somalia ka wadda howlgallo lagu tababarayo ciidamo booliis ah oo ay ku jiraan qaar la sheegay inay ilaalinayaan xeebaha dalka, waxaana ka mid ah 385 oo loo diyaariyay KG Somalia iyo Ciidamo Daraawiish ah oo haatan lagu tababarayo Muqdisho, balse dad badan ayaa qaba in loo baahan yahay dhismaha ciidamo badeed oo sax ah.

Hadalsame Media