”Waa kuwo daciif ah!” – WIKILEAKS oo kashifay sida uu dhaxal-sugaha Imaaraadku u liido reer Aala Sucuud!

0

(Abuu Dabeey) 13 Jan 2020 – Xog sir ah oo uu dhowaan daabacay sir qarxiyaha WikiLeaks, oo helay dokumentiyo qarsoodi ah ayaa kashifay sida uu dhaxalsugaha Imaaraadka ee  Mohammed Bin Zayed, uu u arko qoyska reer Aala Sucuud.

Qoraalkan oo uu sii faafiyey The New York Times, ayaa u dhignaa inuu Bin Zayed oo u dhaqmaya sida Dajaalka cusub ee Bariga Dhexe uu Danjiraha Maraykanka, James Jeffrey, u sheegay inuu ka cabsi qabo Wahaabiyada Saudi Arabia isla markaana uu doonayo inuu ka takhalluso.

Warqaadka New York Times ayaa weriyey in taaj sugaha Abuu Dabeey uu Danjiraha ku yiri: “Inuu ka quustay qoyska boqortooyada Sucuudiga xilligii Boqor Abdullah Bin Abdulaziz Al Saud oo uu u arkay kuwo daciif ah; yeelkeede, wuxuu sheegay inuu kasii welwelsan yahay cidda bedeli karta oo noqon karta kali talis iyo dowlad Wahaabi ah oo la mid ah kooxda Daacish (ISI).”

Wuu sii hadlay oo wuxuu yiri: “Cid kasta oo bedesha Aala Sucuud, waxay noqon doontaa mid calwasaad leh.”

Wuxuu Wikileaks intaa raacinayaa in Bin Zayed uu deeto u ololeeyay in xilka loo salloxo dhaxal sugaha iminka ee Mohammed Bin Salman: “Kaasoo sugi la’ inuu hirgeliyo isbedello uu ku doonayo inuu ku dhimo saamaynta sida uu yiri ”Islaamiyiinta xag-jirka ah,” isagoo sidaa ka dhaadhiciyey MW Maraykanka ee Donald Trump.”

Wiilkan Mohammed Bin Zayed oo aan qarsanin nacaybka uu u hayo wax kasta oo Islaam la xiriira, isagoo sidaa u yeelaya cabsi uu ka qabo in kursiga laga qaado, ayaa xitaa isaga oo ay wehliyaan dalal kale oo Khaliijka ihi waxay ku eedaysan yihiin inay taageeraan kooxaha xag-jirka ah ee Islaamka neceb ee Galbeedka, si halkaa looga soo eryo oo aysan caqabad ugu noqonin xukunkooda, taasoo ay dad badani ku tilmaameen maangaabnimo aad u wayn.

Hadalsame Media